Gabadh Wariye Ah oo Aabaal Marin CNN ka Heshay Markii Ay Soo Ogaatay Arrin Lagu Sameeyo Gabdhaha Soomaliyeed ee Ku Nool Dalka Kenya.+ (Daawo Video)

Gabadh Wariye Ah oo Aabaal Marin CNN ka Heshay Markii Ay Soo Ogaatay Arrin Lagu Sameeyo Gabdhaha Soomaliyeed ee Ku Nool Dalka Kenya.+ (Daawo Video)

Faadumo Noor oo ah weriye dhinaca qoraalka ayaa ku guuleystay ilaa iyo labo Aabaal marno, kaddib markii ay soo shaac saartay sheeko naxdin leh oo bulsho badan u iftiimisay khatarta shaqooyinka qaar laga la kulmo.

Faadumo ayaa ka warheshay in ay jiraan khataro dhinaca gabdhaha ah, kuwaas oo ay kala kulmaan dadka ama Hoteelada ay u shaqeeyaan si ay arrintaas u soo ogaato ayay isku dayday in ay hesho dariiqii ay u mari lahayd, waxa ayna abaartay dhinacaas iyo Xeryaha Qaxootiga Soomaliyeed ee soo qaxay ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Markii ay tagtay dhadhaab ayay Faadumo kula kulantay hooyo aad u dhibaataysan oo in muddo ah aan helin gabadh ay dhashay oo ka maqan, hooyada ayaa u sheegtay Faadumo in aysan tabar u ahayn raadin gabadheeda ayna doonayso in ay Faadumo ka caawiso sidii ay ugu soo heli lahayd, waxa ayna u sheegtay in lagu sheegay in ay joogto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Faadumo ayaa si ay u hesho gabadhaas, waxa ay tagtay Xaafada ay caanka ku yihiin Soomaalidu ee Islii, halkaas oo ay kula kulantay dad Soomaali ah, waxa ayna su'aashay halka laga heli karo gabdhaha ka yimaada Qaxootiga ee u soo shaqo taga halkan ama nafta soo bida,Waxaa loo sheegay in ay joogaan meel Hoteel ah ayna ka shaqeystaan.

Faadumo ayaa markiiba abaartay halka gabdhahaas loogu sheegay, waxa ayna timid dhisme aad u dheer oo hoosana ku leh meel Baar ah oo cunnada iyo Cabitaankaba laga helo.

Faadumo ayaa go’aan ku gaartay in ay iska dhigto shaqo doon ka dhalatay qoys sabool ah ama faqiir saad u taqanaan si ay arrinka meesha ka jira iyo nolasha gabadhahaas u soo ogaato inlayn shaqadeeda ayaa ahayd wax ka qorista arrimaha bulshada ku dhacee.

Waxa ay gashay Hoteelkii oo cunno ka dalbatay malintii koobaad, kaddibna way ka tagtay, si ay sheekada u soo hesho waxa ay Hoteelka Baarka ku yaala ku soo laalabanaysay muddo afar cisho ah oo ay markasta cuunno ka dalbanaysay ilaa ay markii dambe heshay fursad ay kula kulanto maamulaha Hotelka.



Hotelka haddii aan si fiican uga faaloodo sida ay sheegtay Faadumo Dabaqa hoose waa Baar laga cunteeyo labada qeyb ee ka sareysana waxa ay ahayeen meesha ay sheekaduba xooga ku leedahay ee ay u soo galmood tagaan ragga dhaqaalaha isku huba, kuwaas oo laga iibsho jirka hablaha Soomaaliyeed ee dalkoodu burburay, kuwaas oo marka hore loo sheego in la siinayo shaqo ah dhinaca nadiifinta Hoteelka iyo IWM.

Wariye arrintan ka wareysanayay Faadumo ayaa weydiiyay su'aal ahayd madan naftaada u baqin markii aad la kulmaysay maamulaha meesha, waxa ayna ugu jawaabtay in ay ogayd halista meesha ka jiri karta balse ay u bareertay si ay xog dhab ah u soo hesho, islamarkaana ay iska dhigto qof u baahan waxkasto lagu xiro in ay qaban karto.

Faadumo ayaa sheegtay in ay ka mid ahaayeen sababihii dhiiragalayay in ay ka mid ahaayeen sida iyadaoo ay meesha joogeen gabdho da'doodu ay u dhaxeysay 14 jir ilaa 15 jir oo marka iyada loo eego da'deeda oo ah 24 sano jir aad uga yaraa.

Qaabkii ugu fiicnaa ee ay ku heshay Faadumo fursada la kulanka maamulaha Hoteelka ayaa ahayd markii ay iska dhigtay gabadh ka mid ahayd shaqaalaha meesha oo ka

soo laabtay xeryaha qaxootiga, islamarkaana aysan jirin wado kale oo u banaan oo ay ku noolan karto ayna diyaar u tahay in ay marto sharcikasto oo meesha ka jira.

Wariyaha ayaa markale su’aal ku celiyay Faadumo, waxa uuna waydiiyay bal in ay jirtay wax tuhun ah oo galay maamulaha markii ay la kulmaysay, sida in ay wariye tahay iyo in xataa ay arrimahaas ku lug leedahay, waxa ayna ugu jawaabtay maya marnaba ma uusan dareemin arrinkaas ana maba rabin in uu dareemo.



Faadumo ayaa la kulantay maamulihii meesha maalin jimco ah, waxa uuna ku yiri "Halkani waa meel sharuuc badan ee ma ka bixi kartaa." Faadumo ayaa tiri haa, markaas kaddibna waxa uu la yeeshay waraysi, waxa ayna u sheegtay in hooyadeed ay iyada ku tiirsan tahay dhaqaalo ahaan iyo waalidkeedba ayna diyaar u tahay in ay shaqeysato, markaas kaddib wuxuu ku yiri shaqo gal.

Faadumo waxa ay u soo diyaar garowday shaqadii ay matalaysay si ay u hesho waxa meesha ka jira waxa ayna isu soo qurxisay si heersare ah, subixii markii la gaaray xiligii shaqada ayaa layn la galiyay ama saf saad u taqanaan, subaxaas waxa ay ahayd sabti xaalku caadi buu ahaa, subixii xigay waxaa meeshii yimid nin ka mid ahaa macaamiishii meesha wuxuuna indhaha la raacay gabdhihii shaqada u soo ka lahay, waxa uuna farta ku fiiqay Faadumo oo ka mid ahayd oo uu yiri tan ayaan rabaa.

Faadumo talo ayaa ku cadaatay maamulihiina waxa uu ku yiri waa in aad shaqada qabtaa oo qancisaa macmiilkayaga wax ay samayso ayay garan wayday way cudur daartay oo tiri ma samayn karo, maamulihii waxa uu ugu jawaabay kalyantigeenu wuxuu rabo waa loo sameeyaa waa dhaqanka meesha ka jira, markaas kaddib ayay Faadumo dalbtay in bari looga dhigo waayahay ayaa lagu kala tagay.

Habeenkii markii la gaaray ayay Faadumo waraysi ugu dhaqaaqday gabdhihii oo mid mid u waraysatay subixii markii la gaaray xiligii nadiifinta Hoteelka oo ay weli hurdaan dadkii jiifay iyo kuwii u soo shaqo tagi lahaaba way ka soo dhuumatay kana soo carartay meeshi inta aan la is aragba in layn shaqo gaar ah abaa laga sugayee oo ka baxsan shaqadii meesha loogu qaatay oo nadiifin ahayd.

Gabdhihii ay soo waraysatay waxa ay u shegeen in xoog wax looga qaato lana siiyo 200 oo shillinka Kenyaanka ah, iyaga dartoodna loogu qaato ilaa iyo 20 kun oo Keenyaan ah markii xoog loogu galmoodaba lacgta inta badan waxaa qaata ninka meesha maamaulaha ka ah.

Nimanka meesha yimaada ayaa bixiya lacag u dhaxeysa ilaa 10 kun ama 20 kun oo Kenya lacagteeda ah, balse gabdhaha saas loola dhaqmo waxaa ka soo gaara ilaa iyo 200 oo Shillin oo Kenyan ah.

Labo gabdhood ayaa meesha laga saaray, kaddib markii laga warhelay arrinkan oo ay wax ka qortay wariye Faadumo Noor.

Gabdhaha ayaa mid ay meesha ka kaxeeyeen UN-ku, kaddibna ay ugu geeyeen hooyadeed oo degan xerada Dhadhaab ee Kenya.

Laakiin gabadh 15 jir ah oo Uur lahayd, islamarkaana uu haleelay cudurka halista ah ee AYDHIS ayaa hooyadeed diiday.

Hooyada diiday gabadheeda Uurka leh ayaa sheegtay in ay uga cabsi qabto qoyskeeda cudurka halist ah ee gabdheeda ku dhacay.

Gabadhan ayaa haatan lagu hayaa magaalada Marsabid ee dalka Kenya meel Kaniisad ah oo ay maamulaan qolyaha Ilmaha iyo Hooyada caawiya.

Sheekadan ayaa CNN-ku Aabaal marin weyn ku siiyay wariye Faadamo, waxaana ka waraysatay arrinkaas Capital Talk.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada