Mukulaal (Bisad) lagu xiray dalka Brazil “Layaab”.

Mukulaal (Bisad) lagu xiray dalka Brazil “Layaab”.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn ulla yaabtay kadib markii ay Booliiska dalka Barasiil (Brazil) ay shaaciyeen in todobaadkan la xiray mukulaal la sheegay inay u dhacday Xabsi weyn oo dalkaasi ku yaal.

Mukulaashan ayaa la sheegay in la qabtay kadib ayadoo isku dayeysa inay gudaha u gasho Xabsiga ku yaal magaalada Arapiraca, mukulaashan ayaa xiligii la qabanayey la sheegay inay siday qalab la rabay in si qarsoodi ah loogu geeyo qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi.

Mukulaashan markii la qabtay ayaa waxaa laga helay jirkeeda in sharooto lagula dhajiyey ama xiray qalab kala gedisan oo la rabay in si qarsoodi ah xabsiga lagu geliyo, waxaana qalabkan ka mid ahaa, biraha darbiga lagu duleeliyo, telefoonka gacanta, bateriga telefoonka, charger-kiisa iyo dhegaha telefoonka.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska ee magaalada Arapiraca ayaa sheegay in Mukulaashan (Bisadan) la geeyey goob lagu xiro xayawaanka, isla markaana ay adag tahay inay ogaadaan kooxdii soo adeegsatay bisadan, maadama aysan hadli karin oo la ogaan karin cida soo dhistay sheekadan cajiibkaleh.

Afhayeenka ayaa sheegay in la filayo in qalabkan u socday mid kamid ah maxaabiista xabsiga ku jira oo qorsheenayey inuu halkaasi ka baxsado. 

Xabsiga Arapiraca ayey hada ku xiran yihiin maxaabiis gaaraya 263, waxaase la isweydiinaya sida mukulaashan loo soo tababaray inay hawshan fuliso.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada