La Yaabka Dunida: Nin Afadiisa ku Furay Ciwaan ay ka Samaysatay Bogga Twitter

La Yaabka Dunida: Nin Afadiisa ku Furay Ciwaan ay ka Samaysatay Bogga Twitter

carab
Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo dadiisu tahay 30 jir, ayaa xaaskiisa furay, kadib markii ay cinwaan u gaar ah ka samaysatay bogga dadku kuwa sheekaystaan ee Twitterka.

Ninkan oo aan magacaiisa la shaacin ayaa afadiisa ka codsaday inay cinwaankaas iska baabi'iso, kadib markii uu ogaaday inay bogga Twitterka n ku leedahay asxaab tiro badan oo isugu jira rag iyo dumar.
Go'aanka ninkani ku dalaaqay xaaskiisa, ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhashay markii ooridiisu ka diidday dalabkiisa, isla markaana tagtay guriga aabbaheed oo ku yaal magaalada Jeddah, isagoo marar badanna isku dayey inuu la xidhiidho oo ay ka wada-xajoodaan arrintaas siday sheegeen qaraabada lammaanahan isfuray, balse ka biyo-diiday heshiisiintooda oo shuruud looga dhigay inuu lacag mag dhaw ah ka bixiyo cinwaanka uu xaaskiisa ka masaxay.

Xaaska ninkan ayaa iyadu ku sii adkaysatay inay cinwaanka laga masaxay soo cesheto, iyadoo sheegtay in saygeedu ku qaldamay, waxaanay qaar ka mid ah qoyskoodu sheegeen in lammaanahani goosteen inaanay dib isugu soo noqon, kadib markii lacagta dib-u-heshiisiintooda lagu xidhay issa sii laban laabtay.
 
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada