Prof. Cali Khaliif Galeyr:- Somaliland waxay la mid tahay maamulada dalka ka jira, waxaana ku faraxsanahay in…

Prof. Cali Khaliif Galeyr:- Somaliland waxay la mid tahay maamulada dalka ka jira, waxaana ku faraxsanahay in…


Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed, isla markaasna Baarlamanka hadda jira xubin ka ah ayaa sheegay in Somaliland la mid tahay maamulada kale ee dalka ka jira, waxay ka duwantahayna aysan jirin sida uu yiri, isagoo xusay inuu soo dhaweynayo go’aanka Mareykanka ee ku aadan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u taageeray in dowladda Soomaaliya ay ka mas’uu tahay xiriirka caalamka iyo arrimaha dibdda, isla markaasna ay arrimahaasi maamul goboleeyadu wax shaqo ah ku yeelan karin. 

“Anigu ma qabo in Somaliland iyo maamulada kale ee hadda jiraa ay door ku leeyihay arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka arrintaasi dowladda dhexe ayaa leh” ayuu yiri Prof Galeyr oo ka hadlayey kulan la isku keenay xubno ka kala socday jaaliyada Soomaalida ee dalka Mareykanka oo looga hadlayey sida loo arko go’aankii Mareykanku ku aqoonsaday dowladda hadda jirta ee Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku sii daray oo uu yiri “Somaliland kama duwana maamuladaas kale sida Ximan iyo Xeeb, Puntland arrimaha dibadda dowladdaa leh”.

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu ka hadlay sida uu u arko joojinta siyaasaddii dowlada Mareykanka ee ay kula macaamiili jirtay dalka Soomaaliya ee lagu magacaabi jiray Dual Track Policy ayaa waxa uu kulanka ka sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in Dual Track ka ay dowlada Mareykanka ka tanaasushay waxa uuna markale yiri “Waan ku faraxsannahay inay ka baxeen”.

Mar la weydiiyey inay wadahadalo dhexmarikaraan ama la heshiinayaan maamulka Somaliland iyo kii uu wax ka dhisay ee Khaatuma waxa uu yiri “Arrinta Somaliland illaa ay Somaliland madaxdeeda iyo waxgaradkeedu qadiyadeedu si weyn ay isku badasho wax alaale aan isku sheegi karnaa ma ay jiro, waxaan isku nahay ma ay jiro, anagu kama aan samrin hadduu isbedel ku dhaco insha alaan annaga adareeskeena waa la yaqaanaa iyo meesha nalaga soo raadiyo”.

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada