Sagaalka Sababood Oo Furriinka Keeni Kara..

Sagaalka Sababood Oo Furriinka Keeni Kara..

kala tagid ama furiin.
1-Hantijacayl, haddii ruuxa uu bakhayl yahay oo uuna  rabin inuu keeno waxa loo baahan yahay ee guriga ku saabsan, middaas waxay soo dedejin kartaa dalaaqa

2- qaabka carruurta loo tarbiyeeyo taasna waxa keeni kartaa khilaaf soo dhexgali kara laba isqaba

3- galmada oo si fiican looga dhergin, haddii uuna ka dhergeynin ruux ka mid ah laba isqaba waxaa laga yaabaa inay arrintaas keento nacayb iyo kala tag

4- shaqada guriga, dadka qaarkii waxay rabaan in la isla qabto shaqada guriga, haddii midkooda ka soo bixi waayo shaqadaas waxaa laga yaabaa in la kalatago siiba dadka ku nool yurubta.

5- kalama maqnaansho daran oo keeni kara in labada ruux ay is illaawaan ama safar dheer ama la sheekaysi la'aan.


6- saaxiib xun, haddii midkooda uu leeyahay saaxib xun kan kalena uuna rabin taas waxay keeni kartaa kala tag

7- haddii midkooda uu leeyahay dhaqan xun kan kalena uuna ka helin sida qayilaada oo kale.

8- qaraabo xun, marmar waxaa guriga dumiya ninka dadkiisa ama naagta dadkeeda

9- rajo aan dhab ahayn il iska dhaadhiciyo in lacag farabadan la helayo ama guri fiican lagu noolaanayo wixiina aan la helin, inta badan waxay dhacdaa marka la is shukaansanayo.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada