Saxafi Gaari Ku Bursaday Fanaan Caan Ah Oo Naftiisa Ku Waayay & Booliiska Oo Xaqiijiyay ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Saxafi Gaari Ku Bursaday Fanaan Caan Ah Oo Naftiisa Ku Waayay & Booliiska Oo Xaqiijiyay ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

layaab
Magaalada Los Angeles ee dalka Mareeykanka waxaa Nafsadiisa haligay Sawir qaade halkaas caan ka ah ka dib markii uu gaari ku bursaday Fanaanka caanka ah ee lagu magacaabo Justin Bieber si uu Sawiro uga qaado ka dibna u soo bandhigo. 

Gaariga Justin Bieber oo ahaa nuuca qaaliga ah ee loo yaqaan Ferrari waliba midibkiisa cadaanka ah xiligaas waxaa watay gaariga ama saarnaa Wiilal Saaxiib la ah Fanaanka Justin Bieber waxaana goobtaas Shil ku galay oo Isbitaalka ku geeriyooday Sawir qaadaha qaldamay oo 29-jir ahaa (Paparazzo).   
 
Joornaaliistaha qaldamay ama Nafsadiisa haligay ayaa waxa ay Ciidamada Booliiska xaqiijiyeen in uu doonayay in uu Sawir ka qaado Fanaanka Justin Bieber si uu u noqdo ruuxii ugu horeeyay ee Fanaan Justin Bieber Sawiro ka soo qaado sanadka cusub ee 2013 balse Sawir qaadahaan ayaa nafsadiisa haligay oo xijaabtay. 


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada