Ferguson Oo Su’aal Ka Keenay Sababtii Kaamiriiste Loogu Ogolaaday Inuu Sawir Ka Qaado Isku Dhicii Mancini Iyo Balotelli.. Maxey tahay Sababta?.

Ferguson Oo Su’aal Ka Keenay Sababtii Kaamiriiste Loogu Ogolaaday Inuu Sawir Ka Qaado Isku Dhicii Mancini Iyo Balotelli.. Maxey tahay Sababta?.

Macini Vs mario
Isgacan qaadkii shalayto garoonka tababarka ku dhexmaray tababaraha Manchester City Roberto Mancini iyo ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa keentay in si aad ah loo soo hadal qaado maanta.

Balotelli ayaa kaamirooyinka ay qabanayeen maanta isagoo qoslaya halka tababaraha City uusan u muuqan qof faraxsan, laakiin tababaraha deriskooda Sir Alex Ferguson ayaa feker ka dhiibtay wixii shalay dhacay, isagoo su’aal ka keenay sababtii loogu ogolaaday sawir qaade inuu sawiro ka qaado tababar ay kooxdu sameyneyso. 

Sir Alex ayaa ku yiri shirkiisa jaraa’id ee maanta: “Waxaad ilaalineysaa suurtogalnimadaada guusha. Shirkadaha waa weyn miyay ku sheegaan kuwa ay tartamayaan waxa ay sameynayaan? Waan hubaa inaysan taasi dhicin.
  
“Kubada cagta iyadana waa la mid. 

Kaamiriiste ka qeybgalaya tababar waa wax aan caqli gal aheyn.
“Waa adag tahay in tababare uu uu shaqo sameeyo sababtoo ah ma ogid halka sirtaada ay aadi karto. Kooxaha sida Real Madrid waxa ay maalin walba u ogolaan jireen saxaafada tababarkooda, taas waa la joojiyay markii uu tagay Jose.
“Kooxo badan oo aan aqaano ma ogolaadaan in saaxafada ay ka soo qeybgasho tababarkooda. Hadii aad dooneyso inaad sameyso shaqo taatiko ah sideed ku sameyn kartaa iyadoo saxaafad ay kugu hareereysan tahay.”

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada