Suxufiyiinta Gobolka Hiiraan Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Ururkii Ay Dhawaan Ku Dhawaqeen Dhigooda Qurbo Joogta Ah

Suxufiyiinta Gobolka Hiiraan Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Ururkii Ay Dhawaan Ku Dhawaqeen Dhigooda Qurbo Joogta Ah

H.journalis
Saxafiyiinta Ku Sugan Magaalada Baled weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiray Ayaa Si Wacan Uso Dhaweeyay Ururka HIJOSA Oo Ay Dhawaan Yeesheen Wariyaasha Qurba Joogta Hiiraan Ee Ku Sugan Dalka Koonfur Afrika Oo Ku Midoobay Magaca HIJOSA Oo Laga Soo Gaabiyay Hiiraan Journalims Of South Africa.

Kulan Ay Maanta Wariyasha Ku Sugan Magalada Baledweyne Ku Yeesheen Halkaasi Ayeey Sheegeen In Ay Si Aada Usoo Dhaweeynayaan Ururka HIJOSA Oo Ah Dalad Ay Ku Mideeysanyihiin Wariyaashii Kaso Cararay Gobolka Hiiraan Ee Ku Sugan Dalka Koonfur Afrika Oo Dhawaan Looga Dhawaaqay Dalkan Koonfur Afrika.

Maxamed Cismaan Makaraan Oo Ka Mid Ah Wariyaasha Baled weyne Ku Sugan Ee KuLanka Yeeshay Aya Sheegay In Ujeedada Kulankoodi Maanta Uu Ahaa Sidii Ay Codkooda Ugu Taageerilahaayeen Ururka HIJOSA Oo Uu Sheegay In Ay Dhawaan Ku Midoobeen Saaxiibadoodi Kasoo Barakacay Gobolka Hiiraan Ee Ku Sugan Dalka Koonfur Afrika Waxana U Ugu Baaqay Xubnaha Hogaanka U Haya Ururka HIJOSA In Ka Shaqeeyaan Sidii Ay Isugu Xirnaan Lahaayeen Wariyaasha Gobolka Hadeey Ahaan Lahaayeen Kuwa Ku Sugan Gudaha Gobolka Iyo Dibada Ee U Adkeeysan Waayay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Wariyaasha Ee Ka Jira Dalka Soomaaliya.

Sidookale Xuseen Xasan Dhaqane Oo Isna Kamid Ah Wariyasha Gobolka Hiiraan Uhambalyeeyay Dhisidda Ururkan HIJOSA Oo Uu Shegay In Tahay Arin Loo Baahna.

Kulanka Ay Maanta Yeesheen Wariyaasha Gobolka Hiiraan Eelagu So Dhaweeynayay Midawga Suxufiyiinta Qurba Joogta Hiiraan Ee Koofur Afrika Oo Dhawaan Ku Midoow HIJOSA Waxaa Qadka Talefonka Uga Qeeyb Galay Wariye Siraaji Cumar Cabdi iyo Cabdi Casiis Ibraahin (Ok) Oo labaduba Ku Sugan Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalkeena Soombliye Waxaana Aylabadooduba Sheegeen In Ay Ku Faraxsanyihiin Dhisidda Urur Dhaxal Gal Ah Oo Ay Yeeshaan Suxufiyiinta Hiiraan Ee Ku Sugan Dalka South Africa.

Sikastaba Dhawaan Ayeey Aheeyd Marki Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay Xubnaha Majaraha Uha Urarka HIJOSA Waxana Horay Uso Dhaweeyay Aas Aasida Ururka HIJOSA Uruweynaha Saxafiyeenta Soomaaliyeed SOJOSA
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada