Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka oo todobaadka soo socda ka bilaabanaya Kismaayo

Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka oo todobaadka soo socda ka bilaabanaya Kismaayo


Shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa la filayaa in todobaadka soo socda uu ka bilowdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, halkaasoo ay gaari doonaan ergooyin ka kala socda deegaanada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Inkastoo uu dhowaanahan jiray khilaaf ku saabsanaa qaabka dhismaha maamulka oo u dhaxeeyay Maamulka KMG ee Kismaayo iyo xubnaha kale ee shirka qaban qaabinayay ayaa la sheegay in la xaliyay wixii mad-madow ahaa ee ku saabsanaa habka dhismaha maamulka.

Warar ku dhow dhow gudiga farsamada ee qaban qaabinaya shirka oo ay xubno ka yihiin IGAD ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la guda geli doono shirweynaha maamul u sameynta, iyadoo la sugayo in magaalada ay gaareen ergooyin ka kala socda beelaha dega jubooyinka iyo Gedo.

Mas'uul ka tirsan maamulka KMG ee Kismaayo ayaa sheegay in meel wanaagsan uu maryo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, isla markaana ay bilaabatay qaban qaabadii u dambeysay, si loo guda galo shirweynaha.

Shirweynahan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, iyadoo dadka u dhashay Jubooyinka ay dooranayaan maamul ay ku qanacsan yihiin.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan ayaa tagay magaalada Kismaayo dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore, iyadoo kala hadlay maamulayaasha Kismaayo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagnaa arrimaha maamul u sameynta, isla markaana maamul dadka raali la yihiin loo sameyn lahaa.

Arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa ahaa mid mudooyinkii u dambeeyay la hadal hayay, waxaana magaalada Kismaayo oo ah magaalada xarunta u ah Jubada Hoose gaarayay wafuud kala duwan oo isugu jirtay dowladda Soomaaliya, Odayaal, iyo saraakiil ka socotay IGAD.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada