Xiriirka Kubbada Cagta Talyaaniga Oo Baaritaan Ku Samaynaya Fal Cunsurinimo Oo Lagula Kacay laacibka khadka dhexe kooxda AC Milan Prince Boateng

Xiriirka Kubbada Cagta Talyaaniga Oo Baaritaan Ku Samaynaya Fal Cunsurinimo Oo Lagula Kacay laacibka khadka dhexe kooxda AC Milan Prince Boateng

Prince Boateng
Kulan saaxibtinimo ah oo ay kooxda Milan la yeelanaysay kooxda heerka 4-aad ee Pro Patria ayaa la joojiyay qeybtii hore ee ciyaarta kadib markii ciyaaryahanka qadka dhexe ee AC Milan Kevin-Prince Boateng  uu kubbada ku dhex tuuray daawadayaasha ciyaarta kadibna ka baxay garoonka.
Madaxa xiriirka kubbada cagta Italy Giancarlo Abete ayaa ku tilmaamay falkaas “Wax aan laga hadli karin Loona dulqaadan karin.”waxana uu xiriirka kubbada cagta Italy tilmaamay in baaritaan degdeg ah ku samaynayo falkaas.
Agaasimaha koox la dagaalanta faquuqa ee ka dhisan Yurub FARE Piara Powar ayaa ka dalbay xiriirka kubbada cagta Talyaaniga in ay fal adag kaga jawaabto cunsuriyada ay ku kaceen taageerayaasha kooxda heerka labaad ee Pro Patria.
“Waan soo dhoweyneynaa Kevin-Prince Boateng falka uu sameeyay Boateng iyo ku raacidii taageerayaasha kooxda. Mana aha markii ugu horeysey ee uu ciyaaryahan isaga baxo garoonka dalka Talyaaniga, haddii xaalada ay sii socotana ma noqon doonto tii ugu dambaysay.” ayuu yiri Piara Powar.
Shabakada warbaahinta Milan ayaa qortay in sidoo kale Mbaye Niang, Urby Emanuelson iyo Sulley Muntari ay kula kaceen qaar ka mid ah taageerayaasha Pro Patria falal cunsuriyad ah.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada