Nancy Ajram oo Socdaaal aan la shaacinin ku tagtay Dalka Suuriya

Nancy Ajram oo Socdaaal aan la shaacinin ku tagtay Dalka Suuriya

daajis.com:-Fanaanada Caanka ah ee reer Lubnaan Nancy Ajram ayaa socdaal aan hore loo shaacinin waxa ay ku tagtay Dalka Suuriya maalintii shalay kidib markii ay ka duushay Dalka Lubnaan .

Inkastoo aan la xaqiijin sida Wargaysyada Carabta ka soo baxa soo daabaceen socdaalkeeda ayaa hadana waxaa la sheegay in loo badinayo in ay doonayso in ay soo indho indhayso Xalada Dalka Suuriya .


Fanaanadaa oo ah mid Caan ka ah Dalalka Carabta ayaa laga yabaa in socdaalkeeda salka ku hayo Dagaalada Suuriya oo laga yaabo in ay qorshaynayso in ay ka soo saarto heeso ku cabirayso xaalda Dalka ka jirta .

Nancy ayaa muda dheer aan ka degin Dalka suuriya waxana jira khilaaf u dhaxeeya Labada Dal ee Suuriya iyo Lubnaan hayeeshee wali ma cada rasmi ahaan waxa uu socdaalkaa uu la xariiro mana jirto cid ka hadashay oo faah faahin ka bixisay .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada