Ajay devgan iyo Kareena Kapoor oo khilaafkooda sii xoogaystay

Ajay devgan iyo Kareena Kapoor oo khilaafkooda sii xoogaystay

daajis.com:-Atooraha caanka ah ee ajay devgan ayaa lagu soo waramayaa in uu kharka u saaran yahay in uu ka baxo heshiis laba sano ah uu la galay Shirkada Filimaanta Bollywoodka kadib markii khilaaf soo kala dhaxgalay kareena kapoor.


Arinta khilaafka keentay ayaa ka danbaysay kadib markii la isku qabtay filim dhawaan qorshaha uu ahaa in la soo saaro oo la sheegay in la isku qabtay habka loo jili lahaa .

Khilaafka labadaa actar ayaa ka bilowday Dalka Iskutaga Imaraadka oo qorshaha uu ahaa in lagu soo dhigo qaybta hore ee Filimkaa laakiin waxaa la sheegay in kareena kapoor saluugtay sida loo jilaayo.

Inkastoo aan la faah faahin hadana waxaa la sheegay in arintaa sii xoogaysatay waxaana iminka soo dhaxgalay bollywoodka si loo kala saaro hayeeshee ajay devgan ayaa saxaafada u sheegay in uu kharka u saraan yahay in heshiiskaa ka baxo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada