Anigaa Ah Tababaraha: Moyes Oo Beeniyay In Sir Alex Uu Farogelin Ku Hayo Shaqadiisa Old Trafford.

Anigaa Ah Tababaraha: Moyes Oo Beeniyay In Sir Alex Uu Farogelin Ku Hayo Shaqadiisa Old Trafford.

daajis.com:- David Moyes ayaa sheegay ka hor kulanka Manchester derby ee maanta in Sir Alex Ferguosn uusan wax farogelin ah ku heynin shaqadiisa Old Trafford. Sir Alex oo ah macalinkii hore ee Manchester United ayaa mar kale ka soo muuqanaya masraxa Old Trafford ka dib markii uu ka soo kabsaday qaliin sinta looga sameeyay. 


Laakiin Moyes ayaa sheegay inuusan wax dhibaato ah ku qabin in Ferguson uu ku soo laabtay masraxa. “Maya, gabi ahaaba maya haba yaraatee.” ayuu yiri Moyes markii la weydiiyay hadii maqaamka iyo joogitaanka Ferguson ay dhibaato ku tahay dadaalkiisa uu ku doonayo inuu kooxda hore ugu dhaqaajiyo. “Waxaan la hadlaa isbuuciiba mar. 

Waxaan is arki doonaa ciyaarta ka dib. Waxaan isdhihi doonaa hello. Haatan shaqadiisa waa agaasime, waxaana qaadan doonaa taladiisa. Waa doqonimo hadii aanan taladiisa qaadanin. “Waan ku faraxsanahay inuu halkaan sii joogo. Wax farogelin ah iguma hayo. Haba yaraatee ma jirto wax farogelin ah sababtoo ah waa uu ogyahay waxa ay tahay in tababare la noqdo, waana uu ogyahay shaqada la xiriirta.”


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada