Baaritaan ka Bilowday Suuqa Westgate iyo Interpol...

Baaritaan ka Bilowday Suuqa Westgate iyo Interpol...

daajis.com:-Khubarada dambi-baadhista ee Kenya iyo kuwa shisheeye ayaa baadhis ku wada burburka suuqa Westgate iyada oo la filayo in tirada dhimashada sii korodho.
 
Ugu yaraan 67 qof ayaa la xaqiijiyay illaa imika inay ku dhinteen weerarkaasi, laanqayrta cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in la laayahay 70 qof
 
Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka hoostiisa baaraya bal in laga heli karo dad badbaaday.
 
Dhinaca kalena miltariga dalka Kenya ayaa weli xaqiijinaya in qaar kamid ah dablaydii weerarka gaystay ay wali ku dhex dhuumanayaan gudaha suuqa.
 
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa ugu baaqay dadweynuhu inay is dejiyaan iyada oo wali la baadigoobayo haybta dadka weerarka gaystay, waxaana baadhista ka qayb qaadanaya saraakiil ka socoda wadamada Maraykanka, Britain, Israel, Germany, Canada and  iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada