Wararkii Ugu Danbeeyay Ayaa Sheegaya Xubinihii fuliyey weerarka West Gate Qaar kamid ah oo baxsaday..

Wararkii Ugu Danbeeyay Ayaa Sheegaya Xubinihii fuliyey weerarka West Gate Qaar kamid ah oo baxsaday..

daajis.com:-Qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii West Gate, ayaa ka baxsaday xarunta intii weerarka uu socday, warbixinno sirdoon ayaa sidaas sheegay.

Saraakiil dhinaca amniga qaabilsan oo Mareykan ah, ayaa laga soo xigtay in ka hor inta aan weerarka la qaadin ay kooxda weerarka fulisay keensadeen dhar aan ahayn kuwii ay xirnaayeen, si ay ugu baxsadaan.

Markii weerarka uu dhacay oo inta badan dadkii la dilay maalinkii u horeeyey, ayaa qaar ka mid ah kuwa weerarka geestay waxay ay isku dhex qariyeen dadkii goobta ka baxsanayey.

Warbixinadan, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey dad goobta kasoo baxsaday oo sheegay in xubno ka mid ah weerarayaashii ay shacabka isku dhex qariyeen.

Waxaa la rumeysan yahay in kuwa baxsaday ay ahaayeen raggii sar sare, ayada oo kuwii hoosena looga tagay xarunta, si ay weerarka u dhameys tiraan.

Dhinaca kale waxaa shaki laga muujiyey in ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan xubnihii weerarka fuliyey, waxaana soo baaxaya warar sheegaya in kuwii goobta ku haray ay geeriyoodeen.

Ciidanka Kenya, ayaa qiray in saddex dabaq oo ka mid ah West Gate ay bur bureen, waxaana la sheegayaa inay ugu wacneyd inay isku qarxiyeen kuwii weerarka soo qaaday.

Dadka la sheegay inay ciidamada Kenya hayaan, ayaa warbixinno sirdoon waxa ay sheegayaan inay yihiin kaliya kuwa la tuhunsan yahay, balse aanay ahayn raggii dhab ahaan weerarka fuliyey.

Haddii warbixinadan sirdoon ay sax noqdaan, waa fashil iyo ceeb kale oo soo wajahay Kenya, oo markii horeba waji gabax kala kulantay in koox yar oo dhowr iyo toban qof ah ay dalkeeda qasaan 4 maalmood.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada