Banaanbax lagu taageerayo Shirka Brussels oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Banaanbax lagu taageerayo Shirka Brussels oo Maanta ka dhacay Muqdisho

daajis.com:-Dibadbaxaani oo ahaa mid ballaaran islamar’ahaantaana uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu taageerayay Shirkii ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo ku dhaqan Xaafadaha degmada Yaaqshid kuwaasi oo ku dhawaaqayay ereyo ay ku soo dhaweynayaan shirkaasi ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Bulgium-ka.

“ ka maamul ahaan iyo shacabka faraha badan ee ku dhaqan degmadaan Yaaqshid waxa ay halkaan isugu soo bexeen in ay muujiyaan taageerada ku aadan go’aanadii ka soo baxay Shirka Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka” sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshid Muxuyidiin Xasan Jurus oo hadal ka jeediyay dibadbaxaasi.

Sikastaba dibad baxaan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay banaanbax looga soo horjeedo isla shirkani uu ka dhacay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada