Sheekh Maxamed Idris Axmed oo qoray Sheeko Jaceyl oo dareen xamaasad leh xambaarsan

Sheekh Maxamed Idris Axmed oo qoray Sheeko Jaceyl oo dareen xamaasad leh xambaarsan

daajis.com:-Dhibaatooyin badan oo qofka lagu sameeyaa boog ayey wadnaha kaga reebaan..Ninkaaga oo ku xumeeya, ama Xaaskaaga oo ku dhibaataysa, ama qof qaraaba ah oo wax aadan filanayn kaaga soo bexen, iyo waxyaaba la mid ah, oo asalka kal gacal ku qotomey, ayaa wadnaha boog aan go’in mararka qaarkood ku reeba..

Sheekadan waa mid yaab leh, muddo bila laga joogo ayaan dhegeystey, meelna kuqortay, laakiin waxaan idin la sugayey Soonka inta laga baxayo si aanan cibaadada iyo farxadda ciidda sheeka muruga leh idiin ka dhex gelin.. waxaan ku leeyahay oo keliya qaabka qoridda iyo qurxinta sheekada.

Saaxiibka oo aan wadda dheer isla marnay, ayaan soo qaad qaaday sheekooyin aanu jidka ku goyno..Waxba waxbey ku xusuusiyaane, jiid jiidkii sheekadu marba dhinac aadeysey, wexey nala gashay baabka guurka iyo macaan iyo kharaar, murugo iyo farxad, waxa laga soo maro.. Taasi wexey saaxiibkay ku bixisey inuu qalbiga daaqad iiga furo.

Yaa Allaah..Qalbiga bani aadamku asraar badanaa, maxaa mururgo iyo farxad, jacayl iyo nacayb, cilmi iyo jahli, xumaan iyo samaan, ka buuxa..
Nolosha adduunka anigoo cabbaar soo joogey, bulshadana kor iyo hoos ugu dhex jira, xogtooda iyo qalbiyadoodana ay in badan ii furaan, dhibaatooyinkana maalin walba igala tashadaan, waxaan ka bartay cibrooyin iyo cashara waaweyn, cajaa ibta uu insaanku leeyahay.

Anoo Saaxiibkay daan daansanaya, rabana inuu qalbiga albaabadiisa qaar ii furo, ayaan ku iri: Adigu Saaxiibow Xagga guurka intee baad jabkiisa iyo murugadiisa usoo joogtey?
Saaxiibkay oo hadalku malaha meel ka taabtayii, iina xog warramaya ayaa yiri: Sh. Maxamadow adduunku waa hawla badan yahay.. Inkastoo aan da’ yarahayna jabab badan ayaan usoo joogey..

Waxaan iri: Haye, Saaxiib bal soo wad waan ku dhegeysan..
(Hadba waxaan u dhex gelinayey sheekada su’aal gaaban, ama tusaalayn, si aan inta ugu badan uga soo qufo).


Wuxuu yiri: Wadamadaan Yurub cabbaar ayaan ku meerayey..Dhawr waddan ayaan soo maray..Haddana midkan aad aragto ayaan usha dhigay!
Magaaladan anoo iska jooga, waraaqaha wadanka lagu joogana aan weli haysan, ayaa Gabar magaala igu dhow joogta warkeeda saxan saxadiisu isoo gaartey..Gabadha waa gartay..Jifi korana waanu isla nahay..oo isku raas ayaan kasoo jeednaa..

Gabadhu waa garoob..Hortayna saddex nin inta la hubo waa soo martay oo laba ka mida midba hal ilmaa u dhashay..
Hawa guur ayaa ii qaaday.. Waalidka markaan u sheegay, gaar ahaan hooyadu, wexey igu tiri: Gabadhaa Bannaanka ka mar!
Laakiin Soomaalidu wexey ku maah maahdaa: Awr Awr wado, iyo Nin Naagi Wado Midna Kaama Leexdo!

Waxaan ahay, nin Hawa guur gabadha u qaaday, Bidhaan teeduna usoo hillaaceyso, Inuu durba aqal geysteyna ku taamaya..
Gabadhii waan heshiiney.. Arooskii iyo Alalagtii ayaa loo ballamay..Habeenkii cimriga ayaa laysla jeexay.. Qaybintii iyo qaban qaabadii ayaa la galay..Bar kulanku gurigeeda iyo Magaaladeeda iney noo noqoto ayaanu ku heshiiney, oo aan ayaamaha fasaxa asbuuca imaado, inta kalana la kala shaqaysto!
Waxaan maalmaha tirino, oo soo tukubno, oo xarigba xarig ku xirno, habeenkii xusuusta lahaa ayaanu gaarney, hayeeshee habeenkii iftiinka lahaan jirey habeen mugdiya ayuu isu bedeley..gadaal ayaan uga soo noqon doonaa…

Guriga waxaa nagula nool laba ilmood oo ay horay usoo dhashay.. Mid waa dhawr iyo toban jir gabara.. Midna waa gabar yar oo 2 jir ah…Subaxa Jimcaha oo aan joogo shaqada ayaan geeyaa, gabadha 2 jirkaana oo aan adeerka u ahay anaa sii haya..

Salaaddii Jimcaha Markii la gaarey, ayaan Masjidka aadey, Gabadhaydii yaraydna waan u lebisey, waa kaxaystay, Masjidka ayaan tegey, dhinacayga ayaan fariisiyey.. Wax yar ka dib waxaan arkay nin nagu soo dhowaadey, oo gabadha yartaa aad ugu dheeygagay! oo gacmaha usoo fidinaya..oo madaxa u salaaxaya.. Oo jilbaha agteeda soo dhegtay.. Waxaan iri: Macaanto Adeer weeye, haka biqin, salaan!

Ninkii, oo indhihiisa ay ilintu kasoo hoortay, ayaa kor iisoo eegay oo igu yiri: Adder miihi, ee Aabeheed ayaan ahay!
Naxdin..Meeshii aan fadhiyey ayaad moodaa in Mismaar lagula dhakab siiyey!
Waaban isu eegay mise, Subxaanallaahiye waaba isu eg yihiin..
Wuxuu ii raacshey: Waa markii iigu horreysey oo aan arku, waanan ogaa inaad xaafadda kusoo biirtay..

Calooshu inta i rogmatey ayaan ku iri: Walaal hayso gabadhaada, dhabta saaro, dhunko, carafso, ilaa aan Masjidka ka tegayo adigu sii hay..
Laakiin Maxaa iga raacidoona Naxariistaas iyo Islaam nimadaas!
Waxaa ka soo xigtay Bogga Sheekh Maxamed Idris uu ku leeyahay Facebook. Qeybta Labaad waa ka rajaynaynaa inkastoo uusan balan qaadin
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada