Daafaca Ajax Denswil: Messi Nolasha Aan Ku Cuni Doonaa.

Daafaca Ajax Denswil: Messi Nolasha Aan Ku Cuni Doonaa.

daajis.com:-Daafaca kooxda Ajax Stefano Denswil ayaa sheegay inuu isku dayi doono inuu nolosha ku cuno weeraryahan kasta oo garoonka la soo gala oo uu ku jiro Lionel Messi. 

20 jirkaan ayaa wajahaya xiddiga reer Argentina marka Ajax ay habeen danbe booqato Camp Nou kulanka ugu horeeya Group H ee Champions League. Waxa uu u sheegay wargeyska Holland ka soo baxa ee De Telegraaf: 

“Waa lagu sasaa in lga horimaado Messi? Hadaba aan ku sheego malaha waa ay adag tahay in laga horyimaado, laakiin haddii aad tahay daafaca Ajax ah waa inaad isku daydo inaad nolosha ku cunto weeraryahan kasta hadii uu magaciisa Messi yahay ama hadii kale. 

“Aniga ahaan kulankaan waxa uu ii yahay tartan fiican, waana xilli cusub oo aan ku cabirayo halka aan taaganahay ciyaaryahan ahaan. Waxyaabaha aad ku barato ciyaaraha sidaan oo kale ah, kama baran kartid 10 kulan oo horyaalka Holland ah. “Marka aad da’ yar tahay waxaad ku riyooneysaa inaad maalin uun u ciyaarto Barcelona, laakiin sidoo kale aad ka horimaado ciyaartoyda ugu fiican adduunka. 

Aniga ahaana waa wax qurux badan inaan ka horimaado Messi. Waxa ay wax weyn u noqoneysaa mustaqbalkeyga ciyaareed hadii aan celiyo.”


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada