Odayaasha Digil iyo Mirifle oo kacsan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u Ambabaxay Magaalada Baydhabo.

Odayaasha Digil iyo Mirifle oo kacsan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u Ambabaxay Magaalada Baydhabo.

daajis.com:-Wararka laga helaayo dhanka Magaaladda Beydhaba ayaa sheegaya in Wafdi uu horukacaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof:- Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ka gadaal markii ay kaceen Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobalada Baay iyo Bakool. 

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Maamulka Gobalka Baay, Odayaasha Magaalada iyo qaar kamid ah Bulshada rayidka.

Wararka ayaa sheegaya in Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Wafdigiisa uu salka ku haayo Buuq ka dhashay Aqoonsiga Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo daneyn la’aan la sheegay inay Xukuumadda Somalia ku heyso Maamulada Baay iyo Bakool, waxaana lagu soo waramayaa in Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeelan doonaan Maamuladaas kala duwan.

Sidoo kale, Maalinimadii Shalay ayeey aheyd markii Odayaasha Digil iyi Mirifle ay dhigeen banaanbax ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo shirka Brussels, iyaga oo muddo labo cisho ah u qabtay Masuuliyiinta Digil iyo Mirifle ee jooga Muqdisho inay ku yimaadaan Baydhabo.

Waxan la sheegi karin halka uu caga dhigan Doono Is fahan la’aanta ka dhex aloolsan Xukuumadda Somalia iyo Odayaasha Digil iyi Mirifle oo labadii maalin ugu dambeysay laga dareemi karo gabi ahaan Magaaladda Muqdisho waxaana loo maleynayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ka jawaabi doono hadalka iyo Codsiyada kasoo yeeraaya Odayaasha Digil iyi Mirifle
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada