War Deg Deg Ah Mid kamid ah Odayaashii Sheekh Xasan Daahir Muqdisho keenay oo goordhaw la dilay

War Deg Deg Ah Mid kamid ah Odayaashii Sheekh Xasan Daahir Muqdisho keenay oo goordhaw la dilay

daajis.com:-Kooxo Bistoolado ku hubeesan heebtoodana aan wali la garan ayaa goordhaw xaafada Taleex ee Degmada Hodan waxa ay ku dileen mid kamid ah Odayaashii Degmada Cadaado ka keenay Sheekh Xasan Daahir Aweys xili uu Shabaab kasoo baxsaday.


Nabadoonkan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Shidane (Faarax Yare) waxa uuna kamid ahaa Odayaashii ka dhaadhiciyay in Sheekh Xasan Daahir Aweys Muqdisho usoo raaco iskuna dhiibo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Kooxaha Dilka geestay ayaa la tilmaamay in nabdoonka ay dileen xili gaari uu saarnaa kasoo dagay , waxaana durbo goobta ka baxsaday kooxihii dilka geestay.

Lama ogaan karo wali cida ka dambeysa falkan lagu dilay Nabadoonkan kamid ahaa Duqeydii Sheekh Xasan Daahir Aweys Muqdisho keenay kuna wareejiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xabsi ku heysa Sheekh Xasan Daahir.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada