Bayern Munich Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Difaacashada UCL Ku Bilaabata Guul Tan Iyo 2007dii.

Bayern Munich Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Difaacashada UCL Ku Bilaabata Guul Tan Iyo 2007dii.

daajis.com:-Bayern München ayaa xalayto ku guul ku bilaabatay difaacashadeeda Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee difaacashada koobkaan guul ku bilaabata tan iyo markii ay sidaasi sameysay AC Milan 2007dii. 


Munich ayaa si sahlan kaga talaabsatay xalayto kooxda Ruushka ee CSKA Moskva ka dib markii ay ku dardareen 3-0, iyagoo goolasha uga mahadcelinaya David Alaba, Mario Mandzukic iyo Arjen Robben. Waxaana kooxda Jarmalka oo hanatay koobkaan bishii May ee sannadkan ay 6 sanno ka dib noqotay kooxdii ugu horeysay ee difaacashada Champions League guul ku bilaabatay. 

Ka dib AC Milan 2007dii, ma jirin koox kale oo guul ku bilaabatay difaacashada Koobkaan waxaana ay dhamaan kooxihii difaacanayay koobka ay ku soo wada bilowdeen barbaro Manchester United 2008dii, FC Barcelona 2009kii, Internazionale 2010kii, FC Barcelona 2011kii iyo Chelsea sannadkii hore 2012.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada