Cabasho Xoogan oo ka soo yeereysa Soomaalida degan dalka Holland

Cabasho Xoogan oo ka soo yeereysa Soomaalida degan dalka Holland

daajis.com:-Soomaalida ku nool dalka Holland ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan dib u celin ay dowladda Holan bilowday taasoo dib loogu soo daad gurynayo Soomaalida ku nool dalkaasi.

Mahdi Ibraahim Geedi oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqnaa dalka Holland islamarkaana in muddo ah ku noolaa halkaasi ayaa dowladda Holan waxa ay dib ugu soo celisay Gudaha dalka Soomaaliya.

“ si qasab ah ayaa liigu soo celiyay dalka Soomaaliya mana garan karo waxa aan galabsaday” ayuu yiri Mahdi Ibraahim Geedi.

Dhinaca kale Afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Holland oo u warramayay Waraahinta ayaa isna sheegay in walaac iminka Soomaalida ay ka muujinayaan dib u celinta ay ku billaawday dowladda Holan xilli Soomaalida dalkaasi ay u tageen in ay ka helaan Nolol ka wanaagsan middi ay uga hayaameen dalkooda Hooyo.

Si kastaba Cabashadaan ka soo yeereysa Soomaalida ku nool dalka Holan ayaa imaaneysa xilli weli dad badan oo Soomaaliyeed Maskaxdooda ay ka sii guuxeyso in ay aadaan wadamada Yurub.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada