Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo toogtay Nin qarax Miino la eegtay mid kalana gacanta ku dhigay

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo toogtay Nin qarax Miino la eegtay mid kalana gacanta ku dhigay

daajis.com:-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xaafada Barwaaqo ee Degmada Dyaniile waxa ay ku dileen nin la sheegay in Ciidamada uu ku qarxiyay Miino dhulka ku aasneed halka mid kalana la sheegay in ciidamadu nolosha ku qabteen.


Qaraxa Miino ayaa maanta ka dhacay Xaafada Barwaaqo waxaana wali la ogeyn qasaaraha kasoo gaaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee iyagu lala eegtay qaraxa Miino ee ka dhacay Xaafadaasi.

Gudoomiyaha Waaxda Barwaaqo ee Degmada Dayniile ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ninka ay toogteen uu Miino ku qarxiyay halka mid kala ay isna tuhmayaan in uu Miinadaasi ku lug lahaa ay gacanta kusoo dhigeen .

Ma ahan markii ugu horeesay oo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay Muqdisho ku dilaan dad ay ku eedeeyeen in qaraxyo la beegsadeen ama dilal u geesteen askar katirsan Ciidanka Dowlada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada