Tirada Dhimashada Toogashada kasocota Westgate oo korortay iyo Kooxda Weerarka geesatay oo niyada u dajisay Muslimiinta xarunta ku go,doonsan

Tirada Dhimashada Toogashada kasocota Westgate oo korortay iyo Kooxda Weerarka geesatay oo niyada u dajisay Muslimiinta xarunta ku go,doonsan

daajis.com:-Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Xarunta Ganacsi ee kutaala Bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in ay korortay tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay toogashada maalintii labaad kasocota Gudaha Xarunta Westgate Mall.

Xoghayaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlada Kenya Joseph Ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay meel ku dhaw Westgate Mall ayaa xaqiijiyey dhimashada 59 ruux iyo dhaawaca 175 qof isagoo intaasi kudaray inay jiraan dad ku go’doonsan weli xarunta la weeraray dhexdeeda walina ay ku hoolanyihiin bad baadinta dadkaasi.

Warbaahinta Kenya oo soo xignaysa ilaha caafimaadka ayaa xaqiijinaya in geerida ay ka badan tahay 60-qof ayna ku dhawdahay ilaa 100-qof walina la tuhmayo in gudaha xarunta ay ku jiraan meydad badan ay toogteen kooxaha gudaha ugu jira Xaruntaasi.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa buux dhaafiyay gudaha Xarunta Westgate iyagoona gudaha u galay balse aan wali ku guuleesan in ay soo afjaraan toogashada kasocota gudaha xaruntaasi iyo badbaadinta dadka gacanta ugu jira kooxaha Weerarka ku galay xaruntaasi.

Dhinaca kale Jariidada Mail Online oo ka soo baxda wadanka Kenya oo soo xiganaysa qaar kamid ah dadka ku go’doonsan dhismaha ayaa ku warantay in kooxaha hubeesan oo la hadlay dadka ku jira gudaha xaruntaasi sheegeen in ay badbaadin doonaan hadii ay jiraan shaqsiyaad muslim ah oo iyaga gacanta ugu jira.

Koxda hubaysan ayaa u sheegay dadka ay dhismaha ku haystaan in la badbaadin doono dadka musliminta balse ay beegsanayaan kaliya dadka kale ee wadamada reer galbeedka kasoo jeeda ee ku jira gudaha xaruntaasi.

Kooxaha toogashada ka geesanaya gudaha xarunta Westgate ayaa si gaar a u beegsanaya una dilaya dadka jaaniibta ah ee u dhashay Wadamada Reer Galbeedka iyo dadka kale aan Muslimka aheyn , iyadoo sidoo kale ay jiraan tiro dad ah oo Muslimiin ah oo gudaha xaruntaasi ku dhintay kuwaa oon la ogeyn in toos loo toogtay iyo in rasaas haleeshay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada