Daawo Sawiradii ugu Dambeeyay ee laga soo qaaday Xarunta ganacsi ee Westgate iyo Ciidamada oo gudaha u galay Xarunta

Daawo Sawiradii ugu Dambeeyay ee laga soo qaaday Xarunta ganacsi ee Westgate iyo Ciidamada oo gudaha u galay Xarunta

daajis.com:-Xaalad ismari waa ayaa wali ka jirta Dhismaha Xarunta Ganacsi ee Westgate oo kutaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaas oo maalintii shalay kooxo hubeesan ay gudaha u galeen dad badana ay ku laayeen .

Kooxaha shalay Weerarka ku galay xaruntaasi ganacsi ayaa ilaa haatan ku jira kuwaa oo la rumeesan yahay in tiro dad ah afduub ahaan ugu heestaan gudaha xaruntaasi iyadoona lasoo warinayo in kooxahaasi iminka saaran yihiin dabaqa afaraad ee xaruntaasi.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa mararka qaar laga maqlayaa gudaha xaruntaasi iyadoona ciidamo tiro badan oo Kenyan ah iyo Hay’ado sirdoon oo ajaaniib ah ah ay buux dhaafiyeen gudaha xaruntaasi iyo hareeraha kuwaa oo wali ku dadaalaya bad baadinta dadka wali ku jira xaruntaasi iyo sidii kooxaha weerarka geestay loo dili lahaa ama gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Meydad iyo dhaawacyo aan tiradooda la heyn ayaa ilaa hada ku jira gudaha Xarunta Westgate ee Magaalada nairobi , kooxaha Hubeesan ayaa mararka qaar soo fasaxaya dad ku jira gudaha xarunta halka kuwa kalana ay toogasho ku wadaan.

Dad ka badan 58-qof ayaa ku dhintay dhaawacana waxa uu ka badan yahay ilaa 150-qof kuwaa oo qaarkood lasoo sheegayo in xaaladooda ay tahay mid halis ah lalana tacaalayo bad baadintooda .

Goob joogayaal kasoo bad baaday Xarunta Weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in mar qura xaaladu isbadashay ayna arkayeen qaar kamid ah ragii weerarka geestay oo dharka badalanaya hadana sida dadkii shacabka ahaa oo kale goobta uga sii baxaya.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Khudbad TV-GA uga jeediyay Shacabka Kenya ayaa aad u cambaareeyay falkan ka dhacay Xarunta ganacsi ee kutaala Bartamaha Magaalada Niarobi waxa uuna xusay in dadka ku dhintay a ku jiraan Xubno qoyskiisa ah.

Magaalada Nairobi saakay waxaa ka taagan xaalad aan dagneen waxaana inta badan xiran goobaha ugu muhiimsan ee ganacsi iyadoona ay jiraan cabsi badan oo la xariira weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee Westgate oo ah xarun ay ka dukaaeestaan dadka maalqabeenada ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




























Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada