Daawo Tartanka Quruxda haweenka Muslimka oo ay qaadday gabar Nigeria u dhalatay.

Daawo Tartanka Quruxda haweenka Muslimka oo ay qaadday gabar Nigeria u dhalatay.

daajis.com:-Miss World Muslimah 2013 oo ah Tartanka Quruxda dumarka Muslimka u dhashay ayaa lagu qabtay dalka Indonesia waxaana kasoo qeybgalay haween quruxda Islaamka lahaa oo xernaa dharka asturan ee Xijaabka waxaana lagu xulay haweeneyda ugu xafidsaneyd ee si wanaagsan u taqaanay Qur'aanka iyo sidoo kale asluubteeda iyo aqoonteeda kale halka labiska iyo stylekana uu ahaa mid meesha ku jiray.





Waxaa halkaasi isku soo baxay 20 dumar ahaa oo Quraanka kariimka ah xafidsan markaana lahaa aqoon diiniyan ah iyadoo ay socod iyo quruxdana ku tartameen halka ay final iskugu yimaadeen 2 gabdhood oo ka kala yimid Nigeria iyo Indonesia halkaasoo ay ku qaadatay guushii gabadhii reer Nigeria oo lagu magacaabo Obabiyi Aishah Ajibola oo farxad darteed la ilmeysay halkaasoo ay ku aqrisay suuratul Faataxa ayna ku sujuudday.

Gabadhan loo caleema saaray Miss Muslimah sanadka 2013 oo ah gabar Afrikaan ah oo Nigerian ah ayaa lagu xulay in ay aheyd gabar ilaah cilmi iyo caqli badan siiyay sida kalena soo bandhigtay dabeecad iyo xarako waxaana loo diray In ay soo Cimreysato maadaama qofkii ku guuleystaa uu haystay balanqaadkaasi.

Tartankaan ayaa waxaa garsoorayay ilaa 100 caruur yatiin ama agoon ahaa oo eegayay quruxda rasmiga ah ee diiniyan leedahay ama lagu sifeynayo gabadhha Muslimadda ah. Hadaba hadii aad arki jirtay Miss World maanta waxaa bilaabatay Miss Muslim World oo gabadha ay iyadoo asturan quruxdii rasmiga aheyd soo badnhigi karto taasoo ah wanaaga iyo cilmigeeda iyo dhaqankeeda ku saleysan diinteeda muslimka ah , sidaa darteed waxaa rajeyneynaa anagana inaan aragno gabdho Soomaaliyeed oo tartankani qeyb ka noqda maadaama ay Soomaalida horey uga qeybgalin tartanada kale ayagoo ku dhaliilsanaa diiniyan iyo dhaqan ahaan kuwa ka fog dhaqankeena.

Waxaa arintani kasoo horjeestay dadka xag jirka ah ee Indonesia qaar ayagoo ku tilmaamay tartankan mid ay diintu qabin , ayna haboontahay in la joojiyo ayagoo si cad u mucaaraday arrintani , balse waxaa taageeray barnaamijkan inta badan shacabka iyadoo si toos ah looga tabinayay talefishinada dalalka Indonesia , Malaysia iyo Brunei
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada