Dowladda South Africa iyo Ganacsatada waaweyn ee dalkaasi oo Saakay wadnaha farta ku haya cabsina soo wajahday .

Dowladda South Africa iyo Ganacsatada waaweyn ee dalkaasi oo Saakay wadnaha farta ku haya cabsina soo wajahday .

daajis.com:-Sida laga soo xigtay Wargeyska PD live oo kasoo baxa dalka South Africa, ayaa sheegay inay jiraan Cabsiyo xoogan oo iminka soo foodsaaray Xarumaha Ganacsi kuwooda ugu waaweyn Dalka South Africa.

Ganacsatada Xarumaha ganacsi ee South Africa ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan qaabka ay Ashabaab ula dhaqmeen Xarunta ganacsi Westgate, iyagoona iminka ka cabsi qaba in Werarkaasi loosoo wareejiyo Xarumaha Ganacsiga South Africa, sida uu daabacay Wargeyska PD Live ee dalkaasi kasoo baxa.

Sidoo kale,waxa uu Wargeyska daabacay inay jiraan kalsooni ay qabaan Ganacsatada South Africa maadaama aysan Dowladda Faragalin Arrimaha Somalia gaar ahaan Alshabaab,haddana waxaa jira Cabsiyo gaar ah oo soo wajahay Ganacsatada, iyadoona ay jiraan Ciiddamo gaar oo iminka la dhigay xarumaha ganacsi ee ugu waaweyn South Africa, si looga bad-baado Weeraro lamid ah kan Westgate oo ka dhaca.

Ugu dambeyntii, Cabsi xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa magaalooyinka dalka Koonfur africa oo waxa la sheegay in Sirdoonka dalkaasi la geliyey heegan si looga feejignaado weerar la mid ah kan Westgate inuu ka dhaco Xarumaha ganacsi ee kuyaalla South Africa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada