Sheikh Cali Dheere oo Fariin qalqal galisay Madaxweyne Uhuru Kenyaatta diray. (Waa maxay fariintaasi)

Sheikh Cali Dheere oo Fariin qalqal galisay Madaxweyne Uhuru Kenyaatta diray. (Waa maxay fariintaasi)

daajis.com:-Afhayeenka Alshabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ka hadlay Xaaladda Xarunta Ganacsiga ee Magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay in Xoogaga Alshabaab ay ka guuleysteen waxa uu ugu yeeray Ciiddamadda Kenya.

Sheikh Cali Dheere, waxa uu Tilmaamay in Alshabaab ay awood u leedahay inay fuliso wax waliba oo ka soo go’a maankooda loona baahan yahay in Dowladda Kenya ay ku waano qaadato Weerarka iminkaka socda Xarunta Ganacsiga.
Sidoo kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in nabada Kenya ay ku xirantahay in Madaxweynaha Kenya uu Ciiddamadiisu kala baxo Somalia haddii taa la waayana ay Alshabaab sii laba jibaari doonaan Weerarada lagu beegsanaayo Xarumaha Kenya ugu waaweyn.

Dhanka kale, Sheikh Cali Dheere waxa uu Shacbiga iyo Ciiddamadda Kenya ugu baaqay inaysan kusirmin haddalka uu warbaahinta ka sheegaayo Madaxweynahooda waxa uuna kula taliyay inay wax ka bedelaan Nidaamka ay hadda ku socdaan.

Ugu dambeyntii, waxa uu Sheikh Cali dheere Shacbiga Kenya ugu baaqay inaysan ku indha sarcaadin Dabaabadaha iyo Ciiddamadda loosoo labisay, balse ay Ogaadaan waxa ay tahay Xaqiiqda dhabta ah ee meesha taalla.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada