Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wada dadaalo aad u xoogan (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wada dadaalo aad u xoogan (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykankakulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal. Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay uga wada hadleen Arrimaha Nabadgelyada, Dhaqaalaha, iskaashiga xiriirka labada wadan ee soo jireenka ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u jooga magaalada New York Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay oo maanta furmay ayaa kulankan khaaska ah kala hadlay H.H. Saud Bin Faisal soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya wuxuuna u sheegay in ku dhowaan 30 Safaaradood ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, Dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay sidii ay u meel marin lahayd dib u soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa kulan kale la qaatay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas Greenfield, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo dhanka amniga.

Marwo Linda Thomas ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd, Dowladda Maraykankuna garab taagan tahay Soomaaliya mar walba ayey tiri Linda Thomas.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay maalinta Khamiista,wuxuuna kulamo gaar ah la yeelan doonaa madax kala duwan maalmaha inaku soo aadan wuxuuna kala hadli doonaa qaabkii lagu taageri lahay dib u habeynta heyadaha amniga iyo soo celinta nabadda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada