War Deg Deg Ah: Shabaabkii weeraray gudaha dalka Kenya oo la shaaciyay qaarkood inay wateen Sharciyo kale kana yimaadeen Dibadaha !!

War Deg Deg Ah: Shabaabkii weeraray gudaha dalka Kenya oo la shaaciyay qaarkood inay wateen Sharciyo kale kana yimaadeen Dibadaha !!

daajis.com:-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya laamaha ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayeen in ay hayaan xog cad oo muujineeysa in ragii weeraray xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nayroobi ay kala wateen sharciyo dalal kale oo Soomaali aan eheen balse ay ku soo tababarteen gudaha dalka Somalia.

Maleeshiyaadkaan oo qaarkood si perfect ah ama wanaagsan ugu hadlayay luuqada Englisha-ka ayaa waxaa la soo warinayaa inay ka yimaadeen ugu yaraan wadamada Canada, Mareeykanka iyo Yurub-ta balse waxaa weli socda baaritaano waa weyn oo ay wadaan ciidamada Sirdoonka dalka Kenya iyo kuwa reer galbeedka ee ku sugan gudaha dalkaas.

Shacabka dalka Kenya ayaa waxa ay bilaabeen inay dhiig u aruuriyaan dadka dhaawaca ah ee buux dhaafiyay Isbitaalada dalkaas waxaana kaalmada dhiigaan ka cod saday madaxweeynaha dalka Kenya Mr.Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Tv-ga Qaranka Kenya .

Dad badan oo xalay ilaa saakay aroortii laga soo bad baadiyay goobta uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay ku eedeeyeen ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska dalka Kenya inay Rasaas ku toogteen shacab ku jiray ama lagu heeystay gudaha xarunta Westgate Mall maadaama ay banaanka xarunta wax ka soo tooganayeen..

NAGA FILO GOOR DHAW WARARKII KU SOO KORDHA TOOGASHADA KA SOCOTA MAGAALADA NAIROOBI .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada