Daawo Sawirada:- Franck Ribery Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa

Daawo Sawirada:- Franck Ribery Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa

daajis.com:-maantana waxaa diirada inoo saaran oo aan si gaar ah uga hadli doonaa kuad sameeyaha xulka France iyo naadiga Bayern Munich Franck Ribery iyo noloshiisa gaarka ah, 30-jirkan dhawaan wuxuu ku guuleestay abaal marinta cayaaryahanka ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena wuxuu ka mid yahay musharaxiina abaal marinta FIFA Ballon d’Or waxaa intaas usii dheer inuu kooxdiisa Bayern Munich xili cayaareedkii hore kula guuleestay sedex koob oo taariikhi ah intaas ayaa nooga filan waxqabadkiisa cayaareed balse markan aan diirada saarno noloshiisa gaarka ah:

Franck Ribery wuxuu qabaa gabadha lagu magacaabo Wahiba oo u dhalatay dalka Algeria labadan lamaaane waxaa u joogaan labo gabdhood iyo wiil, balse ma ahan labo shaqsi oo dhawaan isbarteen waayo yaraantoodii ayay isjeclaayeen sidoo kalena waxaa ka dhaxeyso aqoon soo jireen.
Labadan lamaane xiriirkooda waa mid muuqdo waxayna marwalbo jecel yihiin inay bulshada u muujiyaa sida ay isku jecel yihiin, Wahiba ma ahan qof sahlan waayo iyad ayaa sabab u ahayd inuu Ribery diinta Islaamka soo galo markii ay isguursadeen ayuu Ribery noqday Muslim waxaana loo bixiyay magaca Bilal Yusuf Mohamed.
Wahiba waxay kusoo kortay magaalada Paris  balse waxbaradhadeeda heerka sare ilaa jaamacad dalka Canada ayay kusoo qaadatay gaar ahaan magaalada Toronto, labadan lamaane gabadhoodii ugu horeesay waxay dhalatay sanadii 2005 waxaana lagu magacaaba Hizya sidoo kale gabadhoodii labaad waxay dhalatay sanadii 2008 waxaana lagu magacaabaa Shaninez halka wiilkooda lagu magacaabo Seif uu dhashay bishii September sanadii 2011.

Inkastoo Ribery iyo Wahiba uu xiriir adaf ka dhaxeeyo hadana labadan lamaane jah wareer xoogan ayaa soo kala dhex galay sanadii 2010 markii Ribery ay kusoo baxday fadeexad ah inuu gogol dhaaf qasab ah la sameeyay gabar 17-jir ah oo lagu magacaabo Zahia Dehar waxayna dhacdadan abuurtay in xidigan maxkamad lasoo taago balse Ribery ayaa falkan beeniyay sidoo kalena xaaskiisa Wahiba ayaa garab istaagtay waxayna marwalbo saxaafada u sheegi jirtay in ninkeeda laga gardaran yaha.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada