Ii ogolaada inaan joogo,islamarkaana aan guursado ninka aan jeclahay Qiso Cajiib Ah +SAWIRO

Ii ogolaada inaan joogo,islamarkaana aan guursado ninka aan jeclahay Qiso Cajiib Ah +SAWIRO

daajis.com:-Gabar Sacuudiyan ah oo lagu magacaabo Huda Al Niran oo 22 jir ah ayaa u soo baxsatay dalka Yemen si ay u guursato una noolaato wiil Yemen ah oo ay jeceshahay oo lagu magacaabo Arafat Mohammed Tahir,haseyeeshee waalidkeed u diideen.

Gabadhaan ayaa lagu qabtay xuduuda Yemen,waxaana loo xeray iney sharcidaro ku soo gashay Yemen,waxaana dowlada Sucuudiga ku baaqday in gabadha lagu soo celiya dalkeeda,laakin waxaa ay magangelyo weydiisay xafiiska weyn ee hayada qaxootiga aduunka UNHCR.

Gabadhaan ayaa la soo taagay maxkamad ku taala Sanca waxaana ay ka codsatay in loo ogolaado iney la joogto ninka ay jeceshahay loona guuriyo Carafaat,Huda ayaa sidoo kale diiday abuukaate ay u qabtay safaarada Sacuudiga ee Yemen,waxaana difaacaya xilligaan abuukaate ay u qabteen urur u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan Yemen.

Sheekada ugu xiisaha badan ayaa ah markii banaanka hore ee maxkamada ay banaanbax weyn ka dhigeen dad taageersan Huda,islamarkaana ku dhawaaqayey iney xaq u leedahahay Huda iney guursato qofka ay jeceshahay,lana noolaato.

Huda Al Niran waxey sheegtay in hadii lagu celiyo dalka Sacuudiga ay qaar ka mid ah qoyskeeda ay u geysan doonaan jirdil.
Cabdel Rakib al-Qadi oo ah abuukaataha u doodaaya gabadha ayaa u sheegay warbaahinta in dacwadani ay tahay mid xuquuqda aadanaha ah,islamarkaana aysan abuuru karin xiisad ka dhalata labada dal.

Xilliga waxaa ay ku jirtaa Huda xabsi,waxaana socota maxkamadeyn la xiriirta sharcidarada ay ku soo gashay Yemen,hadii dembi lagu helo waxey wejaheysaa dib u celin.

Weli ma jirto go'aan lagu dhawaaqay maxkamadeyntii axadii,dhageysiga maxkamadana waxaa dib loogu dhigay kowda December,waxaana la sugayaa UNHCR iney damaanadqaado qaxootinimadeeda Yemen.Hadii ay guuleysato waxaa ku adkaaneyso madaxda Yemen iney gabadhaan Yemen ka ceyriyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada