DAAWO SAWIRADA:- R/wasaaraha cusub oo maanta la ansixayay, lana dhaariyay

DAAWO SAWIRADA:- R/wasaaraha cusub oo maanta la ansixayay, lana dhaariyay

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyey kalsoonidii ay maanta sida aqlabiyadda leh u siiyeen RaĆ¢€™iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. 239 xildhibaan ayaa oggolaaday, halka ay 2 xildhibaan ka aamuseen, 2 kalena ay diideen.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka ayaa ugu horreyntii ka tacsiyeeyey geeridii ku timid xildhibaano waxuuna yiri “ Marka hore iga oggolaada in aan idin la wadaago tacsidii xildhibaanadii geeriyooday ee kala ahaa Xuseen Cabdisalaan, Cumar Islow Maxamed, Maxamed Warsame Maxamed (Feisal) iyo Xasan Maxamuud Cali (Sokorline) waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii fordowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna uu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.”

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay kalsooni siiyaan shaqsiga uu u soo xulay xilka Ra’iisul Wasaare waxa uuna  yiri “ Sidaad la socotaan 2-dii December 2013 go’aankii aad gaarteen waxaa khasab noqotay in aan la tashiyo ka dib aan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu noqdo Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda, Haddaba waxaa khasab ah sida uu dastuurku na farayo in Baarlamaanka Sharafta leh ay kalsooni siiyaan si uu u helo sharciyaddii rasmiga aheyd isla markaana uu u guda galo howlihiisa muhiimka ah.”


Madaxweynaha oo ka hadlayey sida uu ku soo xulay ayaa yiri “Marka hore waxaan jeclaan lahaa in aan u wada mahadceliyo dhammaan shaqsiyaadkii soo dalbaday xilka Ra’iisul Wasaare oo dhammaantooda muujiyey xilkasnimo iyo waddan jaceyl. Shaqsiyaad gaaraya 70 baa soo dalbaday oo labaatan ka mid ah aan waresyiyo la yeeshay,  Farxad weyn bey i gelisay sida ay shaqsiyaadkii aan wareystay ay dhammaantood u wada muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalka u adeegaan,  Wareysiyadaas ka dib waxaan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed in uu yahay shaqsiga aniga,  baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga kala shaqeyn kara sidii aan u xaqiijin laheyn in 2016 aan dalkan gaarsiino doorashooyin.”


“Waxaan ku kalsoonahay in Cabdiweli uu sii dar-dar gelin karo dhammaan horumarka ballaaran ee aan sanadkii la soo dhaafay gaarnay, isla markaana uu la iman doono barnaamijka xukuumadda oo faahfaahsan, isla markaana qeexaya arrimahan:
  1. Sida dalka loo gaarsiin karo doorsahooyin xor ah sanadka 2016;
  2. Amniga iyo nabadeynta dalka;
  3. Dib u habeynta Dastuurka; dhaqangelinta federaalka, asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee uu dastuurku na farayo;
  4. Dhaqangelinta New Deal iyo dabagalka ballanqaadyadii beesha caalamka;
  5. Dhaqangelinta go’aandii Shirweynayaashii Qaran ee waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, xagjirnimada iyo aragtida fog ee 2016;
  6. Dib-u-heshiisiinta iyo isgaarista maamulada dalka, Dhaqangelinta Heshiiskii Maamulka KMG ee Jubba;
  7. Xoojinta xiriirka caalamiga; Hagaajinta maamulka maaliyadda; Iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee na horyaalla;

Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad iyo sharaf leh idinkaga codsanayaa inaad Ra’iisul Wasaaraha aan soo magacaabay ee Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed aad siisaan codkiina kalsoonida ah si uu u helo sharciyadii isla markaana uu u soo dhiso gole wasiiro oo fulin doona qorsheyaasha iyo barnaamijka xukuumadda oo uu Ra’iisul Wasaarahu idiin soo bandhigi doono si aad waajibaadkiina dastuuriga ah uga gudataan.”
madaxweynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan in uu dhaco isbadal dhaliya horumar dhan waliba ah si loo gaaro aragtida la hiigsanaayo taas oo ah in dalka uu ku tilaabsado horumar dhan waliba ah sida xasilinta amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasada.

mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in uu ku rajo weyn yahay in doorashada dambe ee dhaceyso sanadka 2016-ka ay ahaan doonto mid ay soo doorteen dadka shacabka.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u mahadceliyey Baarlamaanka sida sharafta leh ee ay u aqbaleen codsigiisa una siiyeen kalsooni oo weliba si aqlabiyad leh loo siiyey codka.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada