DAAWO VIDEO:- Naagta adduunka ugu buurneyd oo 360 Kiilo ka dhacday kadib qirasho dil been.

DAAWO VIDEO:- Naagta adduunka ugu buurneyd oo 360 Kiilo ka dhacday kadib qirasho dil been.

daajis.com:-Mayra Lizbeth Rosale oo ah mid ka ah dadka adduunka ugu culus oo la diiwaageliyay waxay dhalatay sannadkii 1980kii, markii ay ugu cuslayd miisaankeedu wuxuu ahaa 470 kiilo (1.000-Pound). Laakin, haatan waa 91 kiilo.

Waxay caan noqotay bishii Maarso 2008dii kaddib markii lagu soo eedeeyay dilka wiil 2 sanno jir ahaa oo ay habaryar u ahayd. 2011kii, waxaa lagala noqday eedaymahii loo haystay oo idill.

Buurnaanteeda iyo dhimashadii wiilka ay habaryarta u ahayd dartood, Mayra Rosales waxay soo jiidatay qalabka warbaahinta.

Sannadkii 2012dii, Telefiishan dalka Maraykanka ee TLC wuxuu hirgeliyay documentary uu ku magacaabay: “Half Ton Killer” dile 500 kiilo ah, kaasoo goor dambe ka muuqday Channel 4ka dalka Ingariiska.

5 sanno kaddib, Mayra Rosales waxay leedahay: “Waa yaab inaan weli noolahay, caafimaadna qabo”sidaa waxay ku sheegtay waraysi ay siisay ABC.
Laakiin dhacdadani waxaa barbar socday dadaalo ay dhaqaatiirta sameeyeen oo ku aadanaa badbaadinta Mayra, iyadoo markii guriga laga bixinayay darbiga guriga in la jabiyo mooyee si kale waa looga saari waayay, waxaana aakhirkii qaliin lagu sameeyay ay ku caafimaaday iyo qirashadii dilka beenta ay sameysay.

HALKAN KA DAAWO MUCJISADAN SIDEY AHEYD IYO MAANTA

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada