Haweeney Ajnabi ah oo wax ka dhigeysay mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo Maanta si Xun Muqdisho loogu dilay

Haweeney Ajnabi ah oo wax ka dhigeysay mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo Maanta si Xun Muqdisho loogu dilay

daajis.com:-Kooxo Hubeesan oo la tilmaamay in ay xirnaayeen Dareeska Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta agagaarka Isgooska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney Ajnabi ah oo wax ka dhigeesay Mid kamid ah Jamaacadaha Magaalada Muqdisho.

Haweeneydan Macalimada ah oo lagu Magacaabi jiray Layla Naabuurya ayaa u dhalatay Dalka Uganda waxa ayna aheed haweeney Muslimad ah oo wax ka dhigeesay Jaamacada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kooxaha Hubeesan ee toogtay Macalimada ayaa la sheegay xiliga la dilayay in ay lasocotay gaariga Jaamacada ayna la socdeen Macalimiin kale oo Soomaali ah , balse Kooxaha Hubeesan ayaa kaligeed gooni ula baxay halkaasna si xun ugu dilay oo rasaas badan la dhacay.

Mid kamid ah Macalimiinta Jaamacada Soomaaliya oon la hadalnay ayaa sheegay in gaariga laga dajiyay Macalimiinta dhamaan kadibna si qaas ah loo toogtay macalimada iyadoona dhaawac halis ah oo soo gaaray daqiiqado kadib u geeriyootay.

Macalinkan aan la hadalnay ayaa xusay in Raga hubeesan ee dilka ka dambeeyay ay wateen qoryo caadi ah ayna ku labisnaayeen Dareeska Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 5-Nin.

lama oga ujeedka loo dilay Macalimadan Muslimada ah ee u dhalatay Dalka Uganda , waxaana arintan dilka ah aad u cambaareeyay uga naxay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Soomaaliya , mana jiro ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada Dilkan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada