Kooxo hubeeysay oo xalay weerar khasaare dhaliyay ka geystay magaalada Wajeer, Kenya

Kooxo hubeeysay oo xalay weerar khasaare dhaliyay ka geystay magaalada Wajeer, Kenya

daajis.com:-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay dil iyo dhaawac u geysteen dad ku sugnaa degmada Wajeer ee Gobalka Wuqooyi Bari ee Kenya.

Inta la ogyahay laba qof ayaa ku geeriyootay in ka badan Shan ruuxna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dabley hubeysan ay weerar ku soo qaadeen xalay Wajeer iyada oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay.

Kooxihii dilka geystay ayaa halkaas isaga baxsaday iydoo ciidamada Dowlada Kenya ee halkaas jooga aysan ilaa iyo hada ka war bixin warbixinada ay ka hayaan weerarkii xalay ka dhacay Wajeer.

Si kastaba dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay ayaa hada waxaa lagu daaweynayaan Isbitaal ku yaala Wajeer waxaana la sheegay in hada xaaladooda ay fiican tahay.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga cida ka danbeysay weerarkaas balse inta badan Wajeer ayaa waxaa soo weerara ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab oo ka agdhaw halkaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada