WAR DEG-DEG AH:- Nelson Mandela oo geeriyooday

WAR DEG-DEG AH:- Nelson Mandela oo geeriyooday

daajis.com:-Madaxweynihii hore ee dalka S/Afrika islamarkaana ahaa halgame caan ah ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu ku geeriyooday dalkiisa hooyo ee Koonfur Afrika.

Warkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma, waxaana uu TV-ga qaranka dalka uu ka jeediyay khudbad uu ku muujinayay tacsidiisa.

"Waddankeena waxaa ka geeriyooday curadkii", ayuu yiri madaxweyne Jacob Zuma.

Mandela oo 95-jirsaday ayaa sanooyinkii u dambeeyay la xarbinayay caafimaadkiisa, oo uu dhaawac weyn ka soo gaaray xilligii uu xabsiga ugu jiray gumeystihii cadaanka ee dalkaasi haystay.

Dhawaan ayay aheyd markii Mandela la dhigay cusbital ku yaal magaalada Pritoria, halkaas oo loo badinayay in uu ku geeriyoonayo maadaama uu caafimaadkiisu aad u xumaaday, balse waa uu ka booday.

Nelson Mandela ayaa siyaasadda ka fariistay sanadkii 2004-ta, isagoona ka tagay hadal taariikhda galay kaas oo ahaa "Ha isoo wicina, aniga ayaa idin soo wacaya".

Mandela ayaa xabsi ku jiray mudo 27-sano ah, waxaana uu xabsigaasi u galay xoreynta dalkiisa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada