100 Xildhibaan Oo ku hanjabay ineysan ansixineynnin Xukuumada Cusub Haddii Lagu Soo Daro Wasiiradii Hore

100 Xildhibaan Oo ku hanjabay ineysan ansixineynnin Xukuumada Cusub Haddii Lagu Soo Daro Wasiiradii Hore

daajis.com:-In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa ku hanjabay ineysan codka kalsoonida siin doonin xukuumada cusub ee la soo dhisayo haddii lagu soo daro xubno ka tirsanaa wasiiradii hore.
Xildhibaanadan oo shalay illaa xalay kulan gaar ah uga socday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasiiro qirtay iney fashilmeen waxbana aysan qaban, aysan aqbali doonin mar kale in xukuumada lagu soo daro.
“Arintan haddii xitaa ay meel marto waxay mustaqbalka dhow xumeyn kartaa xiriirka iyo wada shaqeynta xukuumada iyo Baarlamanka” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo kulankaasi ka hadlay isagoo madaxda dowlada ugu baaqay iney ka fiirsadaan talaabada ay qaadayaan.
Xildhibaan Feysal Maxamed Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowlada hore lagu riday wax qabad la’aan masuuliyada arintaasna uusan laheyn oo kaliya raisul wasaarihii hore Saacid balse ay wada leeyihiin guud ahaan xukuumada.
“Haddii wasiiradii xukuumadii hore la soo celinayo maxaan Saacid kursiga uga tuurnay, haddii la leeyahay wasiiradii hore fursad kale ha la siiyo, isagaba muwaadin istaahila in fursad la siiyo sow maaha, xagee wax la wadaa, qaranimo iyo nin jecleysi meel ma wada galaan” ayuu yiri xildhibaan Feysal.
Raisul wasaaraha Somalia ayaa isku diyaarinaya inuu saacadaha soo socda gole wasiiro oo ay ka dhex muuqdaan xubno ka tirsanaa xukuumadii hore, iyadoo weli ay taagan tahay cabsida laga qabo in baarlamanka ay mari weyso

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada