Baarlamaanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha oo isku haysta Xildhibaan Golaha Wakiiladda ka tirsan oo Booliisku xidheen

Baarlamaanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha oo isku haysta Xildhibaan Golaha Wakiiladda ka tirsan oo Booliisku xidheen

daajis.com:-shirguddoonada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta u yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliiska Somaliland kuwaas oo ay ku eedaynayaan in Ciidankooda Booliisku sifo sharci daro ah Habeen iyo maalin ku xidheen Xildhibaan Saleebaan yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Labada shirguddoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Booliiska Sareeyo Guuto C/laahi Fadal iyo saraakiil sare sare oo Boolis aha yaa saaka kulamo gooni gooni ah oo ay kaga hadlayaan xadhiga xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore kaasoo tuuladda Huduse ay ku xidheen habeen hore isagoo ka soo noqday Taleex, hase yeeshee kulamadan dhinacyada midkooda na Saxaafadda ugamuu waramin.

Xadhiga Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayay wararku sheegayaan in uu ka dhashay Qori gaadhiga uu saarnaa oo ay booliisku ka heleen gaadhigiisa markii ay ku baadheen Tuuladaasi, halka ay Baarlamaanku ku doodayaan in ay ahayd markii uu Booliska isku sheegay in ay faraha ka qaadaan maadaama uu Xildhibaanku ka yimi deegaankiisa oo ah taleex isla markaana uu qoriga u sitay arrin dhinaca Amaankiisa la xidhiidha.

Lama oga dhinacyadu halka ay arrinta xildhibaanka dhigeen hase yeeshee waxay labada aqal ee Baarlamaanka muddo dheer ku faaqidayeen talaabada Booliisku ka qaaday xafiisyada labada shirguddoon oo ay masuuliyiinta booliiska ugu yimaadeen.


Baarlamaanka Somaliland ayaa dhinacooda ku doodaya in aan xildhibaana la xidhi Karin illaa la qabto isagoo danbi gacmaha kula jira, halka ay Booliiska ku eedaynayaan in ay xidheen xildhibaan socoto ah oo Degmadiisii ka yimi kaasoo tagay xili xaalada deegaankiisa ka taagan ay cid walbaaba og tahay isla markaana aanau jirin sharci ka mamnuucaya Amaankiisa in uu ilaaliyo maadaama Somaliland aanay deegaankiisa ka talin.

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayay Kooxdii Khaatumo eek a talin jirtay deegaanka uu ka soo jeedo ee Taleex hore u af-duubeen kolonyo gaadiid ah oo uu hogaaminayey, kuwaas oo uu kalidii ka badbaaday halka intii kale ay ka dhigeen wax ay dhaawacaan, kuwo ay dilaan iyo kuwo ay maxaabiis ahaan ku kaxaystaanba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada