Ciidanka dowladda Somaliyo Oo la wareegay deegaano hoos-taga Berdaale.

Ciidanka dowladda Somaliyo Oo la wareegay deegaano hoos-taga Berdaale.

daajis.com:-Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanno hoos-taga degmada Berdaale ee gobolka Baay, mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Baay ayaa sheegay.

Ciidanka ayaa howlgal milateri kula wareegay deegaannada Moore Waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhammaantood ka tirsan degmada Berdaale.
Guddoomiyaha degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Qaracase oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ay billaabeen howlgallo la doonayo in gobolka looga saaro maleeshiyada Al-Shabaab.
Qaracase ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday gobolka Baay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada