Daawo:- Dowlada Turkiga oo Shaaca ka qaaday lacagta kaga baxday Dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Digfeer

Daawo:- Dowlada Turkiga oo Shaaca ka qaaday lacagta kaga baxday Dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Digfeer

daajis.com:-Dowlada Turkuga ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday lacagta kaga baxday Dhismaha iyo qalabeynta ay ku sameeyeen Isbitaalka Weyn ee Degmafeer oo kuyaala Magaalada Muqdisho kaa oo hada kamid noqonaya isbitaalada ugu casriyeesan ee kuyaala Geeska Afrika.

Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamaludin Kani Torun ayaa sheegay in Dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Digfeer ay kaga baxday aduun lacageed oo gaaraya $35 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Safiirka ayaa xusay in ay soo gaba gabeeyeen dhismaha iyo Qalabeynta Isbitaalka Difgeer dhawaana ay filayaa in dhaqaatiir ay ka yimaadaan Dalka Turkiga si ay uga howl bilaabaan Isbitaalka Casriga ah ee Digfeer.

'' Waxaan idin sheegayaa in Isbitaalka Digfeer aan ku bixin lacag gaareysa $35 Million oo Dollar,Cisbtaalka waa mid dhameystiran qalab ahaan iyo dhismo ahaan, waxaana la sugayaa Koox dhaqaatiir ah Turkiga ka socda oo Bisha dhamaadkeeda soo gaaraya Muqdisho,kuwaasi oo si wadajira ula shaqeyn doono dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal Soomaaliyeed,shaqadana hadii Alle yiraahdo waxay bilaaban doonta Bisha February'' ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Kamaludin Kani Torun ayaa tilmaamay in lacag aan badneyn laga qaadi doono bukaanada Isbitaalka yimaada waxa uuna sheegay in qarashka ku baxaya Howlaha Isbitaalka iyo Shaqaalaha ka shaqeeya bixinteeda ay iska kaa shan doonana Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Turkiga .

Isbitaalka Digfeer oo loo dhameestiray Dhismaha iyo Qalabeynta ayaa kamid noqonaya Isbitaalada ugu casriyeesan ee kuyaala Geeska Afrika iyadoona Isbitaalka uu dabooli doono baahiyo badan ay dadku u qabeen Isbitaalada Casriga ah ee kuyaala Meelo ka baxsan Soomaaliya.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada