R/WASAARAHA: - Wax-soosaarka beeruhu waxa ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta mustaqbalka Soomaaliya "SAWIRRO"

R/WASAARAHA: - Wax-soosaarka beeruhu waxa ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta mustaqbalka Soomaaliya "SAWIRRO"

daajis.com:-Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed si uu ugala hadlo caqabadaha haysta iyo kaalinta ay Dowladda Federaalku ku saacidi karto beeralayda sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soosaarka dalka, waxana Ra`iisul Wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto wax-soosaarka dalka si dhaqaalaha dalku u soo kabto.

Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaruha waxaa ku wehelinayey wasiirka beeraha mudane Cabdi Axmed Maxamed iyo ku-xigenkiisa mudane Cismaan Libaax Ibraahim, waxana
beeralayda ay la kulmeen ka kala yimaadeen gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo laga arrinsanayey sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen in la qaado caqabadaha hor taagan kor-u-qaadista wax-soosaarka dalka.

Beeralayda Soomaaliyeed ee la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyey cabashooyin dhinaca ammaanka ah, waxana Ra’iisul Wasaaraha oo garawsanaya caqabadaha dhinaca ammaanka ah balan qaaday in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto adkaynta ammaanka dalka, si dhamaan ujeedooyinka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed loo wada xaqiijiyo.


“ Kulamada noocan oo kale ah ee ay isugu imanayaan dadka xirfadleyda ah waa muhiim, waxaan fursad u yeelanay inaan si toos ah u dhegeysanno dadkii beerayda ahaa oo sheegay caqabadaha haysta, anigu waxaan ka soo jeedaa qoys beeralay ah , waxanna wax ka bartay dugsigii sare ee beeraha ee Afgooye, iyadoo aan qarankana ugu soo shaqeeyey .” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

“ Waxaan garawsannahay caqabadaha ay waajahayaan beeralayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin fatahaadda, abaaraha iyo lacagaha ay ka qaadaan dhinacyada ka baxsan xayndaabka dowladda, waaxaan si cad idiinku sheegayaa in arrimahan aan si dhab ah u qaadanayno oo wax laga qaban doono. Soo celinta dhoofinta iyo horumarinta wax-soosaarka beeruhu waxa ay ka mid yihiin qorshayaasha horumarka ee qaranka Soomaaliya, waxayna abuurmi doonanaan shaqooyin iyo fursado kale oo horumarineed.”Sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.


Dhinaca kale, Wasiirka beeraha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Axmed Maxamed oo kulanka kelmad ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah ay ka soo bixi doonto hannaan ay ku wada shaqeeyaan dadka beeralayda ah iyo hay’adaha dowladda dhexe ee Federaalka ugu qaabislan beeraha.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada