DAAWO VIDEO:- Drs. Maryan Qasim oo xilka wareejisay iyadoo qiiro iyo oohin la hadli weyday

DAAWO VIDEO:- Drs. Maryan Qasim oo xilka wareejisay iyadoo qiiro iyo oohin la hadli weyday

daajis.com:-Wasiirkii hore ee horumarinta adeegga Bulshada Drs. Maryan Qaasin ayaa maanta xilkaasi oo loo kala qaaday Lix Wasaaradood wareejisay iyadoo qiiro iyo oohin la hadli weyday xili ay ka hadleysay riyadeeda aheyd inay aragto Hal milyan oo caruurta Soomaaliyeed inay aadaan Iskuullo lacag la'aan ah.

Drs. Maryan Qaasim waxay sheegtay ineysan u ooyneyn kursi jaceyl balse ay la oysay riyadeeda iyo yoolkeeda ku aadan Aada Dugsiyada oo Hal Milyan caruur ah ka faa'iideysan lahaayeen barnaamijkaasi, iyadoo ka codsatay Wasiirka waxbarashada in caruurtaasi iskuulka aadaan.

Wasiirad Maryan Qaasim waxaa dareenkeeda laga dareemay in la dayaci doono dadaalkii iyo balantii ay qaatay ee Caruurta Soomaaliyeed lagu hormarin lahaa.

Wasiiradda Lixda wasaaradood ee loo kala qaaday wasaaraddii adeegga bulshada ayaa waxay ka mid aheyd Wasaaradaha ugu waxqabadka badnaa ee ka dhex muuqday xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Saacid.

HALKAN KA DAAWO QIIRADA AY LA HADLI WEYDAY DRS. MARYAN


 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada