Daawo Muuqaal:- Dagaal kulul oo socda & Maleeshiyaad Al Qaacida ah oo la wareegay magaalooyin dal caan ah ku yaala +Warbixin

Daawo Muuqaal:- Dagaal kulul oo socda & Maleeshiyaad Al Qaacida ah oo la wareegay magaalooyin dal caan ah ku yaala +Warbixin

daajis.com:-Caalamka oo idil ma jiro gobol ama degmo ay si toos ah u maamulaan maleeshiyaadka ururka Al Qaacida marka laga reebo dagaalo dhuumaaleeysi ah iyo Qaraxyo joogto ah balse hada waxaa la arkay Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Qaacida oo si toos ah ula wareegay demooyin ku yaala dal caan ah. 


Dagaalo kulul oo kala go´leheen ayaa ka holcaya magaalooyinka Ramadi, Anbar iyo Fallujah oo dhamaantood ku yaala dalka Ciraaq ka dib markii halkaas si gaadmo ah ay kula wareegeen maleeshiyaad taageersan ururka Al Qaacida. 

Ciidamadii booliiska ahaa ee ka howl galayay magaalooyinkaas ayaa dhoor maalmood ka hor halkaas laga soo bursaday balse iminka waxaa deegaanadaas dagaal salbalaaran ah ku qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee milatariga dalka Ciraaq kuwaas oo durbadiiba u awood sheegtay maleeshiyaadkii soo weeraray deegaanadaas. 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada