Top News:- Xarakada Al Shabaab oo 2 garab qarka u saaran & Masuul muhiim ah oo ciidamo iyo Tikniko kala goostay (Akhri magaciisa)

Top News:- Xarakada Al Shabaab oo 2 garab qarka u saaran & Masuul muhiim ah oo ciidamo iyo Tikniko kala goostay (Akhri magaciisa)

daajis.com:-Waxaa socda loona jeedaa saan saan colaadeed oo ka dhex bilaabatay mar kale masuuliyiinta ugu sareeysa ururka Al Shabaab kuwaas oo iminka bilaabay inay si toos ah ula goostaan gawaari Tikniko ah iyo ciidamadii saarnaa oo qaab Qabiileed iskugu habar wacday.

Hogaamiyaha ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa mar kale waxa uu waayay shaqsi muhiim ah oo mudo dheer gacantiisa midig ahaa. Cawil Axmed Jiir (Cawil Maareeye) oo gudaha Al Shabaab looga yaqaanay (Abu Salmaan) ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu la goostay 6 gaari oo Tikniko ah iyo ciidamadii saarnaa oo inta badan ay isku heeb ahaayeen .

Cawil Axmed Jiir (Cawil Maareeye) waa masuulkii ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dekada magaalada Kismaayo xiligii ay halkaas heesteen wuxuuna sanadihii dambe ku noolaa magaalada Baraawe kaas oo si weyn caan ugu ahaa dhanka dhoofinta dhuxusha oo la sheegay in Al Shabaab xiliyadii hore ay lacago fara badan ka heli jireen .

Cawil Axmed Jiir oo gudaha Al Shabaab looga yaqaanay (Abu Salmaan) ayaa waxaa adeer ugu aadan Xasan Turki wuxuuna ka soo jeedaa ama ku dhashay degmada Afmadow. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu jiro heeshiis hoose oo dhex maray maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo hogaamiyaha Tiknikada Shabaab kala soo goostay ee Cawil Axmed Jiir (Abu Salmaan) .

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya Abu Salmaan iyo ciidamada uu la goostay inay u gudbeen dhanka garabka kale ee Al Shabaab oo uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur). Madaxda Al Shabaab ayaa mudooyinkaan dambe waxeey isku hayeen qaarajin waxaana inta badan dhegta dhiiga loo daraa masuulkii ka hor yimaada awaamiirta hogaamiyaha ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada