Daawo Sawirada:- AL-Shabaab oo sheegtay in ay Beeco la gashay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed

Daawo Sawirada:- AL-Shabaab oo sheegtay in ay Beeco la gashay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Beesha Biimaal ayaa kulan waxa ay ku yeesheen Deegaanka Buulo Mareeer ee Gobolka Sh/Hoose halkaasi ay labada dhinac heshiis kuwada gaareen.

Kulanka Al-Shabaab la yeesheen Waxgarad katirsan Beesha Biimaal ee ka dhacay Gobolka Sh/Hoose waxaa goob joog ka ahaa Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose.

Labada Dhinac ayaana kulanka ay ku yeesheen Deegaanka Buulo Mareer waxa ay diirada ku saareen arimo kala duwan ay ugu horeeso sidii Beesha Biimaal gacan uga siin laheed Dagaalyahanada Al-Shabaab dagaalada ay kala horjeedo Dowlada iyo Ciidamada AMISOM.


Xarakada Al-Shabaab ayaana sheegtay in ay heshiis la gaareen odayaasha Beesha Biimaal ayna la galeen Beeco ku aadan in ay garab siiyaan Waxgaradka Beesha Biimaal Dagaalyahanada AL-Shabaab .

Maalmo kahor ayey aheed markii Al-Shabaab kulan kan lamid ah Deegaanka Buulo Mareer kula yeesheen Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar Gidir waxa ayna labada dhinac shaaciyeen in ay ku heshiiyeen in ay is garabsadaan.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada