Daawo Sawirada:- Ciidamo loogu Magac daray Cali Boobaaye 2- oo Hub iyo agabyo milatari maanta loo qeybiyay

Daawo Sawirada:- Ciidamo loogu Magac daray Cali Boobaaye 2- oo Hub iyo agabyo milatari maanta loo qeybiyay

daajis.com:-Waxaa Maanta markii ugu horeesay la howlgaliyay Cutubyo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo dhawaan tababar dhinaca ciidanka ah ku qaatay Xeryo Ciidan oo kuyaala gudaha Magaalada Muqdisho .

Ciidamadan Cusub oo la marsiiyay nidaam cusub oo loogu talagalay in lagu ogaadoo askarigii ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee lasiiyay hubkii uu qaranka ugu adeegi lahaa ayaa maanta waxaa si rasmi ah loogu qeybiyay Hubkii iyo Gaadiidkii ay ku howl gali lahaayeen.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeyo Guurto Daahir Aaden Cilmi oo ka hadlay Munaasabad Hub iyo agabyo milatari lagu siinayay Ciidankan katirsan milatariga ayaa kula dar daarmay in ay ka qeyb qaataan Dagaalada Dowlada kala horjeedo Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiishii ka qeybqaadatay tababarka ciidamadan ayaa ku amaanay sida wanaagsan ee ay u tababarteen, waxaana ciidamadani noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa lagu tababaro, islamarkaana loogu magac daray Cali Boobaaye 2-magacaas oo ah ciidamadii ugu horeeyay ee lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada