Ururka Al Shabaab oo sheegay inay la dagaallamayan ciidamada Marekanka ah ee Muqdisho la geeyey

Ururka Al Shabaab oo sheegay inay la dagaallamayan ciidamada Marekanka ah ee Muqdisho la geeyey

daajis.com:-Kooxda ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ee dagaallada wadda ayaa markii ugu horreysay ka hadashey war ka soo baxay dhawaan saraakil u hadashey ciidamada Marekanka oo sheegay in ciidamo ay ka joogan Muqdisho,waxaana Al Shabaab ay sheegen inay ciidamada la dagaallami doonan.

Farrin cod ah oo laga baahiyey war-baahinta Al Shabaab,ayaa loga hadlaya arrimahan.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh Cali Jabal, oo isagu ah guddoomiyaha Shabaab ee Gobalka Banaadir,ayaa farrintan codka ah soo dubay,waxaana uu digniin markale u diray shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya,isagoona uga digay inay ka agdhawaadan saldhigyada cusub ee ay sameynsan doonan ciidamada Mareknaka ah ee Muqdisho la geeyey iyo waliba xarunma dowladda Soomaaliya.
Mas’uulka Al Shabaab ka tirsan waxaa uu sidoo kale hadal kiisa ku soo qaaday digniin ah inay ka dheeradan shacabka Muqdisho la shaqeeynta hay’addaha oo uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin, isaga oo dhamaan digniinaha ku saleeyay inay tahay mid ay ku bartilmaameedsanayaan xarumaha dowladda iyo hay’addaha dalka ku sugan.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray warkii kasoo baxay saraakiil Mareykan ah kaasi oo ahaa in ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho,waxaana uu si cadd u sheegay inay la dagaalamayaan ciidamada Mareykanka ee Muqdisho jooga wajiga ay doonaan haku joogaan Magaalada.

Hadalkaan ayaa qeyb ka noqon doonna hanjabaadaha iyo farrimaha maalmihii ugu danbeysay ay soo dirayeen Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada