Pippo Inzaghi Oo La Kulmaya Madaxda Milan Si Uu U Bedelo Maximiliano Allegri.

Pippo Inzaghi Oo La Kulmaya Madaxda Milan Si Uu U Bedelo Maximiliano Allegri.

daajis.com:-Waxaa la rumeysan yahay in Pippo Inzaghi uu ku dhow yahay inuu la kulmo madaxda Milan saaka oo isniin ah si uu uga hadlo inuu bedelo Massimiliano Allegri oo uu noqdo macalinka cusub ee Rossoneri.

Booska Allegri ee Milan ayaa halis ku jira ka dib guuldaradii 4-3 ee xalayto ka soo gaartay kooxda Sassoulo ee ka carereysa inay u laabato heerka labaad, taasoo ka dhigtay inay leeyihiin kaliya 22 dhibcood 19kii kulan ee ay ciyaareen qeybta koowaad ee horyaalka.
Sida ay sheegtay agaasimada kooxda Barbara Berlusconi in isbedel uu dhaco waa lama huraan waana in isbedel uu dhacaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana ilo Milan ka tirsan ay sheegayaan in maanta war laga soo saari doono booska tababaraha.
Wararkii xanta ahaa ee socday waxa ay sheegayeen in Clarence Seedorf uu ugu cadcadaa shaqada xagaagii, laakiin ninka reer Holland ayaa weli u ciyaaraya Botafogo, sidaasi darteed inta xilli ciyaareedkan ka dhiman waxaa la filayaa in macalinka juunyeerka Pippo Inzaghi uu sii hayo shaqada.
Wararka ayaa sheegaya in weeraryahanka ciyaaraha ka fariistay uu durbaba xiriir la yeeshay madaxda Diavolo, waxaana ay ku dhow yihiin inay ka hadlaan booska tababarka maanta oo isniin ah.

Waxaa la fahamsan yahay inuu kulan la yeelan doono madaxweyne ku xigeenka Adriano Gallaini iyo madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada