Daawo Sawirada:- Yaa Ku Guuleysan Doona Caawa Abaalmarinta Ballon d’Or 2013? Ronaldo, Messi Iyo Ribery

Daawo Sawirada:- Yaa Ku Guuleysan Doona Caawa Abaalmarinta Ballon d’Or 2013? Ronaldo, Messi Iyo Ribery

daajis.com:-Ugu danbeyn waxaa Caawa la abaalmarin doontaa xiddiga ugu fiicnaa dunida sannadkii la soo dhaafay ee 2013, iyadoo xaflada Ballon d’Or ay caawa fiidkii xilliga geeska Afrika ay ka dhici doonto Zurich dalka Switzerland.

Seddex ciyaaryahan ayaana isagu soo hartay oo kala ah Leo Messi, Cristiano Ronaldo iyo Franck Ribery iyadoo tababarayaasha xulalka qaranka iyo kabtanada iyo weliba suxufiyiin la xushay ay u codeeyeen seddexdaan ciyaaryahan oo ay ka soo dhex saareen 23kii ciyaaryahan ee u sharaxnaa abaalmarintan taasoo la soo saaray bishii October.

Ronaldo ayaa sannadkan 2013 dhaliyay goolal kor u dhaafaya 60 gool, halka uu sidoo kale ka caawiyay xulkiisa reer Portugal inay u soo baxaan Koobka Adduunka ka dib markii ay soo galeen wareega kala baxa isreebreebka Koobka Adduunka.



Franck Ribery ayaa isna xilli ciyaareedkii hore seddex koob la qaaday kooxdiisa Bayern Munich oo ay ku jirto Champions League, halka sidoo kale uu isna France ka caawiyay inay u soo baxaan Koobka Adduunka.

Leo Messi oo markii shanaad oo isku xigta doonaya inuu qaado abaalmarintaan ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay Barcelona hanashada La Liga, isagoo sidoo kale udub dhexaad ka ahaa in Argentina ay xilli hore iska xaadiriso Koobka Adduunka.

Xafladda caawa waxaa sidoo kale lagu bixin doonaa abaalmarinta macalinkii ugu fiicna sanadkii tagay ,iyadana waxa ku tartamaya tababarayaasha kala ah Sir Alex Ferguson oo Manchester United muddo 26-sano macalin u soo ahaa, macalinka Dortmound Jurgen Klopp iyo macalinkii hore ee kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes.




i

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada